Suoraan sisältöön

Xafladda xornimada ee uu duqa magaaladu ugu talagalay ardayda fasalka afaraad

Magaalada Helsinki waxay Guriga Finlandia ardayda fasalka 4aad ugu qabanqaabinaysay xafladda xorinimada tan iyo sannadkii 1997. Xafladdan kulmisa 10 sano jiryada oo dhan waxaa martigeliya maayarka, marki horana duqa magaalada. Nasiibdarro xaaladda Koronaha ayaa sannadkan 2021, si lamid ah sannadkii hore hor-istaagaysa xafladda wadajirka ah ee kumanaanka carruurta ah. Si kastaba ha ahaatee dugsi kasta gooni ayuu xafladda u qabanqaabinayaa 14:ka Disembar.

Sannadihii ka horreeyay sannadkii hore waxaa isku maalin xafladda lagu qabanqaabinayay saddex munaasabadood oo kala duwan islamarkaasna kala horreeya, kuwaas oo ay ka soo qaybgaleen isuggeyn qiyaastii 6000 oo qofood. Waxaa sannadkii 2020 la go’aamiyay in xaaladda Koronaha darteed xafladda loo wareejiyo guga 2021, markaas oo si kastaba ha ahaatee ay qasab noqotay in xafladda markale loo wareejiyo xilli-dugsiyeedka deyrta 2021. Qorshuhu wuxuu ahaa, in maalmaha xafladdu ay labo noqdaan bilaha Sebtembar-Disembar, mid loo qabanayo ardayda hadda ku jirta fasalka 4aad iyo mid kale oo loo qabanayo ardaydii fasalka afaraad ee sannadkii hore, yacni ardayda hadda ku jirta fasalka 5aad. Kooxdan waxay isugegyn ka koobantahay qiyaastii 12 000 oo cunug.

Inkastoo xaaladda Koronaha lagu jiro, magaaladu waxay doonaysaa in arday kasta oo ku jira fasalka 4aad iyo 5aad ay siiso fursad ay ku qaataan xaflad lama illaawaan ah. Waxaa maalinta xorriyadda ee Disembar 2021 loogu dabbaaldegayaa xaflado dugsi kasta si gaar ah uga dhacaya.

Dugsiyada ayaa ardayda fasallada 4aad iyo 5aad u qabanqaabinaya munaasabado qoob ka ciyaar ah, kuwaas oo ay waalidku fursad u helayaan in ay daawade ahaan uga qaybqaataan iyagoo af-shareer xiran. Ka sokow qoob ka ciyaaryada waxyaabaha barnaamijka qaybta ka ah waxaa ku jira adeegga cuntada ee xafladda iyo salaanta duqa magaalada Juhana Vartiaisen iyo kaaliyaha duqa magaalada ee dhinaca barbaarinta iyo waxbarashada Nasima Razmyarin oo horay loo sii duubay. Qorshaha guud ee xafladaha waxaa qaabilsan mu’asasada munaasabadaha ee Helsinki.




05.11.2021 13:15