Baaritaanka hore ee caafimaadka qofka dalka u soo guuray

Hadafkeenna baaritaanka hore ee caafimaadka dadka dalka u soo guuray waa in laga gungaaro xaaladda caafimaadka macaamiilka, wakhti hore la ogaado welwellada caafimaad ee suuragalka ah iyo in laga hortago fidista cudurada la kala qaado.

Waxaa baaritaanka hore ee caafimaadka loogu talagalay dadka Finland u soo guuray, kuwaas oo loo soojeediyay in lagu sameeyo baaritaanka tiibishada oo ku salaysan waddanka ay ku dhasheen ama deganaayeen. Waxaa intaas dheer oo loo soojeedinayaa dadka ka imaanaya xaaladaha halista ah sida xeryaha qaxootiga ama soonaha dagaallada in lagu sameeyo baaritaanka caafimaadka ee hore. Marka la samaynayo baaritaanka caafimaadka ee hore soojeedinnada waddanka kasta u gaarka ah ee Hay'adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL).

Waxaad linkigiga hoose ee THL ka hubin kartaa in dalka aad u ku dhalatay ama degganayd dartiis laguu soojeedinayo baaritaanka tiibishada.

Dadka dalka u soo gaaray iyo soojeedinta dal kasta u gaarka ah ee baaritaanka cudurada la kala qaado (THL, af finish)(Link leads to external service)

Maxaa baaritaanka dhexdiisa ka dhacaya?

  • Waxaa laga salgaarayaa, in aad qabto jirrooyin ama cudurada la kala qaado.
  • Waxaa laga salgaarayaa, in aad daawo qaadato ama aad u baahantahay.
  • Waxaad heleysaa tallaalada aad u baahantahay.
  • Waxaa haddii loo baahdo laguu sii gudbinayaa baaritaanno kale, sida shaybaar ama raajo.
  • Waxaad heleysaa macluumaad ku saabsan adeegyada sooshalka iyo caafimaadka ee deegaanka aad deggantahay.

Nala soo xiriir, waxaan wadajir ayaan eegeynaa, in baaritaanka caafimaadka ee hore aad u baahantahay ama uu qoyskaadu u baahanyahay. Ka qaybqaadashada baaritaanku ma ahan qasab. Adeegguna waa lacag la'aan.

Halkan ka fiiri, meesha aad la xirfiiri karto:

Dadka qaabgaarka ah: la xiriir rugta caafimaadka ee soonahaaga. Rugaha caafimaadka (af finish)

Dadka ku jira da'da dugsiga hoose-dhexe: la xiriir kalkaalisada caafimaadka ee dugsigaaga. Dugsiyada hoose-dhexe (af finish)

Dadka ku jira da'da rugta daryeelka dhallaanka iyo hooyada iyo hooyooyinka uurka: Wac adeegga dhexe ballan qabsashada iyo talabixinta rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka, tel. 09 3105 5530. Ballan qabsashada iyo talabixinta rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka (af finish)

Ardayda dugsiyada sare iyo machadyada xirfadeed: la xiriir kalkaalisada caafimaadka ee machadkaada waxbarashada. Daryeelka caafimaadka ardayda (af finish)