Sidaan ayaad ku taageeri kartaa korriinka ilmahaaga, adigoo samaynaaya waxqabadyo yaryar oo la xiriira arrimaha nololmaameedka caadiga ah

Waxaan soo uruurinay talooyin wax ku ool ah, kuwaasoo aad u adeegsan karto taageeridda luqadda iyo dhaqdhaqaaqa jirka ee ilmahaaga, iyo xoojinta kalsoonida naftiisa iyo madaxbannaanidiisa. Adigoo adeegsanaaya falalkaan yaryar ee la xiriira howlaha nololmaalmeedka ee caadiga ah, ayaad si wanaag saamayn ugu yeelan kartaa horumarka korriinka ee ilmahaaga.
Piirroksessa vauva ja vauvanruokia
  1. Ilmaha wax badan la sheekeyso, oo markaad la sheekeysanaysana waxaad fiirisaa indhihiisa.  Hoos isu dhig illaa aad kala simanto dhererka ilmahaaga, marka aad la hadlaysid. Sidaas ayaad ku taageereysaa horumarka luqadeed ee ilmahaaga. 
  2. Ilmaha ka qaybgali howlaha shaqada guriga ee nololmaameedka caadiga ah, kana xaddid isticmaalka telefoonka. Wakhtiga wada qaata, idinkoo aan wax shaashad ah daawanayn (telefishin, telefoon iyo taablet tooonna). Sdiaas ayaad ku taageereysaa korriinka ilmahaaga.
  3. Ammaan oo jacayl u muuji ilmahaaga, ugu yaraan hal mar maalintii. Sidaas ayaad ku xoojinaysaa isku kalsoonaata ilmahaaga
  4. U oggoloow ilmahaaga inuu maqaska wax ku gooyo iyo inuu meelo kor koro. Sidaas ayaad ku taageereysaa dhaqdhaqaaqa jir ahaaneed  ee ilmahaaga!  
  5. U oggoloow ilmaha yar ee dhallaanka ah in uu si iskiis ah u dhaqdhaqaaqo, isagoo dhulka yaalla oo dhanka caloosha ama dhabarka u jiifa. Sidaas ayaad ku taageereysaa dhaqdhaqaaqa jir ahaaneed  ee ilmahaaga!  
  6. Jooji isticmaalka gaariga ilmaha lagu riixo marka uu ilmuhu ka weyn yahay 3 sano, adiga iyo ilmahaagana u lugeeya xannaanada. Sidaas ayaad ku taageereysaa dhaqdhaqaaqa jir ahaaneed  ee ilmahaaga!  
  7. Qoys ahaan wakhti wada qaata, adinkoo telefoon la'aan ah, islamarkaana aan daawanayn shaashadda, Waxaad guriga ka samaysaan meel la dhigo telefoonka gacanta, kaasoo aad dhigaysaan telefoonnada ilmaha iyo kuwa dadka waawayn. Sidaas ayaad ku taageereysaa horumarka luqadeed ee ilmahaaga.
  8. Xil iska saar oo ku dadaal sidii ilmahaaga ay suuraggal ugu noqon lahayd inuu barto dabaasha, baaskiil wadista iyo baraf ku taraarixista. Adiga iyo ilmahaaga si wadajir au sameeya isboortiga. Sidaas ayaad ku taageereysaa dhaqdhaqaaqa jir ahaaneed  ee ilmahaaga!
  9. Ku taageer in ilmahaagu uu isagu sameeyo arrimaha adag, kuna caawi sidii uu uga guul gaari lahaa.  Sidaas ayaad ku taageeraysaa in uu si madaxbannaani leh wax u qabsan karo!
  10. Sii ilmahaaga tijaabooyin kala duwan oo dhanka dareemaha ah xilliga maalinkii oo dhan, deji ama xasili hurdada ka hor, adigoo u duugaaya, cod deggan kula hadlaaya, islamrkaana jooga meel iftiinkeedu yar yahay. Sidaas ayaad ku taageereysaa nasashada ilmahaaga!
  11. Maalintii waxaad siisaa imahaaga 5-6 goor oo cunto ah maalinkii, una oggoloow inuu isagu dhadhamiyo cuntooyin kala duwqan oo ka kooban noocyo badan. Sidaas ayaad ku taageerysaa korriinka iyo horuamarka ilmahaaga!

Talooyinkaan waxaa soo uruurshay kalkaaliyayaasha caafimaadka, baxnaaniyayaasha ama teraabiistayaasha waxqabadka jirka, teraabiistayaasha hadalka iyo teraabiistayaasha jirka ee xarumaha qoyska ee magaalada Helsinki.