Tilmaanbixinta iska daaweynta cadhada

On this page

Cadhada (scabies) waxaa keenaya cayayaan yar (Sarcoptes scabiei) oo qofka haragiisa ku noolaan kara oo dadku ay taabashada ku kala qaadaan, sidoo kale galmada ama gogosha lagu seexdo ayaa lagu kala qaadi karaa ama dharka la xidho. Xayawaanku waxaay leeyihiin cayayaankaas cadhada keena oo u gaar ah oo marmar iyo dhif ay biniaadamku ka qaadi karaan. Marka cayayaanka cadhada keenaa uu joogo meel ka baxsan jidhka biniaadanka wuxuu ku dhintaa 48–72 saacadood gudahooda. 

Carruurta iyo waayeelka ayaa u nugul inay qaadaan cadhada. Cayayaanka cadhada dheddiga ah ayaa haraga jidhka hoos gasha oo ku sameysata waddooyin ay marto faraha dhexdooda, dhudhumada, kilkisha, laabatada bowdada iyo nawaaxiga xubnaha taranka. Ilmaha haragoodu maadaama uu jilicsanyahay waxaa laga heli karaa waddooyinka cayayaanka cadhada xataa baabacooyinka gacmaha iyo lugaha.

Waxaa wanaagsan ilmaha haddii cadho lagu arko in xanaanada la wargeliyo. Xanaanada, dugsiga iyo shaqada waxaa la tagi karaa maalinta daryeelka ugu horreysa maalinta ku xigta. Waxaa ka baxsan haddii uu dhakhtarku kugu sheego cadhada nooceeda aad u adag, markaas waa in la iska ilaaliyaa in dadka kale la taabto illaa daryeelka oo dhan la sameeyay. Cadhada nooceeda adag waxaay ka soo bixi kartaa waayeelka iyo dadka difaacoodu uu daciifay. 

Calaamadaha

Cadhada calaamadeeda ugu wayn waa cuncun aad u badan oo jidhku ka falcelinayo dheecanka cayayaanka cadhadu uu soo daayo. Marka ugu horreysa ee cadhadu ay qofka ku dhacdo waxaay calaamaduhu ku bilaabmaan 3-4 toddobaad markay ka soo wareegto qaadista uu waaday. Qofka mar labaad u xanuunsanaya wuu ka nugulyahay, wuxuuna cuncunku ku bilaabmaa hal maalin gudaheed. 

Cuncunku jidhka oo dhan ayuu ka jiray qoorta inta ka hooseysa. Ilmaha waxaa si gaar ah u cuncuna baabacooyinka, laabatooyinka dhudhumada, baabacooyinka lugaha, kilkilada, caloosha hoose. Cuncunku wuxuu ugu badanyahay fiidkii iyo habeenkii. Carruurta da’doodu 5 sano ka yartahay cadhada wajiga badanka kuma yeeshaan marmar iyo dhif mooyee. 

Haraga ayaay ka soo baxaan finan yaryar iyo naburo yar oo ay biyo galeen, wuxuu qofku yeeshaa naburo xagtin ah iyo waddooyin ay cadhadu marto. Dadka waawayn cuncunka iyo nabarada xagtinta ah waxaau u badanyihiin faraha dhexdooda, laabatooyinka sida kilkilada iyo bowdyaha qaybtooda kore iyo jidhka intiisa dhexe. Cadhada waxaa la sii kala qaadi karaa bilowgaba, inkastoo ay dhici karto qofka qaba inuu calaamado yeelan waayo.

Iska daaweynta cadhada

  • Waxaad daryeelka cadhada u isticmaashaa boomaatooyinka lagu daweeyo ee laga iibsan karo farmasiga isaga oo aanu dhakhtar kuu qorin. Farmasiga waxaa laga heli karaa labo boomaato oo laysku daryeeli karo (hoos ka fiiri). 
  • Xubnaha qoyskaaga ee aan calaamadaha xanuunka lahayn iyo dadka kale ee iyaga xidhiidhka dhow la leh. Dadka calaamadaha cadhada leh iyo dadka aanan calaamadaha lahayn ee u dhow isku si ayaa loo daryeelaa. 
  • Haddii ilmaha labo sano ka yar uu yahay qofka kaliya ee qoyska looga shakisanyahay inuu cadho leeyahay, la xidhiidh dhakhtarka intaanad dawada u bilaabin. Dhakhtarka ayaa hubinaya in si dhab ah uu cadho u qaaday iyo in kale.
  • Daryeelka ku celi mar labaad 7–10 maalmood kaddib. 
     

Boomaatada marka la marsanayo

  • Hubi in jidhkaagu uu nadiif yahay oo uu qalalsanyahay.
  • Si taxaddar leh u marso boomatada jidhka oo dhan oo ay ku jiraan baabacooyinka lugaha iyo gacmaha. Inkastoo sharaxaadda ku dul qoran ay sheegayso in la marsanayo gadhka inta ka hooseysa, waxaa wanaagsan in lagu daweeyo madaxa iyo dhagaha xataa. Si taxadar leh u marso faraha lugaha iyo gacmaha dhexdooda, laabatooyinka iyo kilkilaha. Xasuuso inaad daryeesho xuddunta gudaheeda iyo xubnaha taranka haragooda bannaanka (lama marin karo gudaha). Carruurta 2 jir ka yar waxaa boomatada loo marinayaa wajiga xataa. Dadka waawayn iyo carruurta waawayn wajigooda in la mariyo looma baahna haddii aanay ka muuqan wax calaamado ah ama isbaddal cad. Ha marinin boomaatada hareeraha indhaha, afka iyo sanka dalooladiisa.
  • Ciddiyaha iska gur oo boomaatada marso ciddiyaha hoostooda xattaa. 
    Carruurta gacmahooda ku difaac gacmo maro suuf ah ka samaysan, si daawadu aanay indhaha uga galin oo aanay u dhibin. Waxaa wanaagsan in qofka wayn xataa uu isticmaalo gacmo si aanu si aanan ku talo gal ahayn iskaga dhaqin dawada. 
  • Gacmahaaga ha dhaqin marka aad boomaatada marsato kaddib! Haddii ay sidaasi kugu dhacdo mar labaad isla markaaba boomaatada marso. 
  • Boomaatada iskaga maydh biyo iyo saabuun, marka wakhtiga laguu qabtay uu dhamaado (xaga hore ka fiiri). 
  • Dhar nadiif ah xidho.

Daryeelka dambe

Cuncunka dambe wuxuu socon karaa xattaa hal bil kaddib marka daryeelka aad dhameysato. Waxaad cuncunka u iibsan kartaa kareemka hydrokortisonka ah oo farmasiga qoraal la’aan lagaga iibsan karo.

Goorma ayaan dhakhtarka tagayaa?

  • Haddii cadhada ku haysaa ay tahay mid daran, mid baaxad leh, mid infekhsan wadata ama mid isdaryeelkaagu uu kaafin waayay, dhakhtarka ayaa kuu qori kara daawooyin kiniin ah iyo boomaatooyin kale oo ku caawin kara. 
  • Haddii ilmaha labo sano da’diisu ka yartahay uu yahay ka kaliya ee looga shakisanyahay cadhada, la xidhiidh dhakhtarka intaanad daryeelka u bilaabin. Dhakhtarka ayaa hubinaya in xaqiiqdii ay cadho tahay..
  • Haddii qoyska ay cadho ku dhacday oo uu qaaday dhallaan 2 bilood da’diisu ka yartahay. 
  • Haddii cuncunka daryeelka dabadii jiraa uu sii dheeraado oo uu muddo bil ka badan hayo. 

Qoraha hagitaanka: Waxqabadka ebidhemiyadda ah