Hiwaayado lacag la'aan ah oo loo diyaariyay ardayda dugsiyada Helsinki

Nooca hiwaayadda ee Finland- nidaamka la dhaho waxaa loogu diyaariyay hiwaayado lacag la'aan u ah ardayda fasalada 3-aad illaa 9-aad oo ah 9-15 jirro. Hiwaayadaha waxaa lagu bixinayaa dhammaan dugsiyada hoose-dhexe ee Helsinki. Hiwaayadaha waxaa lagu diyaarinayaa dugsiyada dhexdooda ama agagaarkooda.
Koox kubadda koleyga ku dhex ciyaaraysa hoolka jimicsiga ee dugsiga.
Dugsiyada Helsinki ardeyda dhigta fasalada 3-aad illaa 9-aad waxaay 30 hiwaayadood oo kala duwan ka dhex dooran karaan midda ay jeclaysanayaan. Photo: Maija Astikainen

Nooca hiwaayadda ee Finland- nidaamka (harrastamisen Suomen malli) la dhaho wuxuu ardeyda u suuro galinayaa inay helaan hiwaayad ay jeclaysan karaan oo maalinta dugsiga dhexdeeda ah. Noocyadda waxqabadku waa mid siyaadinaysa nololwanaagga carruurta iyo dhallinyarta, waa mid xoojinaysa khibradaha dareenka huusha waana mid ka hor tagaysa gooni uga soocnaanta bulshada marka uu qofku hiwaayad haysto.

Dugsiyada Helsinki oo dhan waxaa ka suuro gal ah in mid laga doorto saddex hiwaayadood oo kala nooc ah: jimicsi, dhaqan iyo suugaan iyo mid dhijitaal ah ama hiwaayad kale. Doorashooyinkaas la bixinayo waxaay ku sal leeyihiin waxyaabihii ay carruurtu rajeeyeen.

Waxaad heli kartaa waxqabad galabtii ah oo dusgileydu ay ka dhex helaan hiwaayadaha oo tusaale ahaan noqon kara: parkous, buur korid, kubadda koleyga, kubadda garoonka gudaha ah, jiimka iyo jidh dhiska, dabbaal, sirkus, filimaan, ruwaayado, kooxaha muusiga, farshaxanka, luqadaha barashadooda, taariikhda, brograameynta, qorsheynta ciyaaraha, cunto kariska iyo hiwaayadaha xayawaanka.

Isku gayn waxaa suuro gal ah in laga dhex doorto 30 nooc oo hiwaayado kala duwan ah.

Bisha agoosto iska diwaangali hiwaayadaha

Xilli hiwaayadeedka cusub wuxuu billaabanayaa 2.9.2024. Magaalada ayaa soo shaac bixinaysa hiwaayadaha 2024–2025 iyo hagitaanka is diwaangalinta bisha agoosto.

Iska diwaangali hiwaayadaha adiga oo toos ula xidhiidhaya qabanqaabiyaha hiwaayadda. Kooxaha hiwaayaduhu waxay u buuxsamayaan sida ay is diiwaangelintu isugu xigto. Ku soo dhowow indha-indhaynta hiwaayadda adigoo aan iska diiwaangelin, haddii uu boos ka bannaan yahay kooxda.

Hiwaayadaha dugsigaaga ka sakow waxaad sidoo kale ka qaybqaadan kartaa waxqabadka kale ee dugsiyada lagu qabanqaabinayo.

Ku soo dhawoow hiwaayadaha!