Soo koobidda maqaalka: Kokonaisvaltaista tukea maahanmuuttajataustaisten perheiden hyvinvointiin | Helsingin kaupunki (Taageerada dhamaystiran ee loogu talagalay nololwannaagga qoysaska asal ahaan dalka u soo guuray)
Arrimo badan dartood ayeey dhallinyarada asal ahaan dalka u soo guurtay u yihiin kuwa waxyeellada u nugul marka la barbardhigo dhallinyarada asalkoodu Finnishka yahay. 26 % macaamiisha badbaadada carruurta ee Helsinki waa kuwa ku hadla afaf qalaad. Waa muhiim in fiiro loo yeesho, in dhallinyarada ay calaamaduhu ka muuqdaan iyo qoyaskooduba helaan taageero iyo caawimaad ku habboon, iyo in ay jiraan caqabado ku gudban helitaanka caawimaadda ama wax gaabinaya helitaaneeda oo ay tahay, in meesha laga saaro.
Calaamadaha dhallinyarada ka muuqda waxaa keeni kara dhibaatooyin qoyska heysta, sida dhaawacyo qalbiyeed, faqrinimo, cunsuriyad iyo dhibaatooyin deegaan. Cunsuriyaddu wa dhibaato weyn, dhallinyarada asalkoodu dalka u soo guurayna waxay takoor kula kulmaan marxaladaha hore, tusaale ahaan marka ay ku jiraan xannaanada iyo dugsiga.
Waalidku waxay qabaan dhibaatooyin badan oo nololmaalmeedka ah, sida dhibaatooyin dhaqaale culeys dhinaca isticmaalka nidaamka adeegyada ah. Waalidku waxay dhibaatooyin kala kulmi karaan ka danaysashada saraakiisha, taas oo sii xumayn kartaa xaaladda qoyska.
Shaqada qoyska ee laamaha badan ee dhallinyaradu waxay qoysaska u fidinaysaa taageero xirfado badan ku salaysan. Waxaa kooxda ka shaqeeyaa 12 xirfadle: hagayaasha shaqada qoyska ee badbaadada carruurta, hagayaasha sooshalka ee shaqada sooshalka dadka waaweyn iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ee shaqada caafimaadka dhimirka iyo mukhaadaraadka ee dhallinyarada. Hadafku waa in nololwanaagga qoyska loo taageero si buuxda iyo si shakhsi ah. Shaqadu waxay ka dhacaysaa bey'ada qoysaska. Waxaa shaqada xoogga lagu saarayaa habka u soo dhowaanshaha ee liddiga ku ah cunsuriyadda waxaana lagu dadaalayaa in lagu dhiso kalsoonida macaamiisha.
Shaqada macaamiisha ee nidaam hawleedka cusub wuxuu billowday Janaayo 2024 waxaana illaa iyo Janaayo 2025 lala shaqeeyay 65 dhallinyaro iyo qoysaskooda. Qoysasku waxay qaddarinayaan arrinta ah, in shaqaaluhu ay imaanayaan guriga qoyska caawimaadna ku siinayaa afkooda hooyo. Shaqaaluhu waxay si joogto ah u qiimeynayeen hababka waxqabadkooda waxayna ku dadaalayeen in ay meesha ka saaraan qaab dhismeedyada takoorka keenaya ee suuraggalka ah ee waxqabadkooda ama nidaamka guud ku jiri kara.
Shaqada qoyska ee laamaha badan ee dhallinyarada waxaa lagu horumarinayaa Mashruuca horumarka waara, kaas oo uu hadafkiisu yahay xoojinta nololwanaagga iyo kahortagga dhibaatooyinka. Mashruucu waa qayb kamid ah Barnaamijka horumarka waara ee Finland, kaas oo maalgelin looga helayo taageerada soobashada halka mar ah ee Midowga Yurub (Next Generation EU). Waxaa barnaamijka isudduwe ka ah wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka waxaana laga hirgelinayaa dhammaan gobollada nololwanaagga Finland iyo Helsinki.
Xiriirada ku saabsan nidaam hawleedka:
Minna Larvio
minna.larvio@hel.fi(Link opens default mail program)