Xusuusyo wanaagsan oo lacag la'aan ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada reer Helsinki sannadka oo dhan

Golaha deegaanka ee magaalada Helsinki ayaa sannadkan buxinaya 150 sano. Iyadoo lagu maamuusayo xafladda sannadguurada ayeey 7-19 sano jiryada reer Helsinki si lacag la'aan ah ugu raaxaysanayaan jimicsiga iyo dhaqanka. Waxaa tikitka lagu gelayo ah kaarka xubinnimada adeegyada dhallinyarada, kaas oo uu waalidku u diiwaangeliyay cunuggiisa.
Shaneemada Kino Helios ee Xarunta dhaqanka Malmitalo.
Dhallinyaradu waxay sannadka 2025 si lacag la'aan ah ku gelayaan filimaanta, riwaayadaha iyo bandhigyada sirkuska iyo tiyaatarada. Photo: Suvi-Tuuli Kankaanpää/Keksi Agency

Golaha deegaanka ee magaalada Helsinki ayaa go'aamisay in carruurta iyo dhallinyarada reer Helsinki ee ay da'doodu u dhexeyso 7-19 sano ay siiso fursad ay si lacag la'aan ah ugu gelaan inta lagu jiro sannadka 2025:

Hadafka go'aan gaarayaashu waa in carruurta iyo dhallinyarada oo dhan ay heystaan fursad isku mid ah oo ay ku dhaqdhaqaaqaan ugana qaybgalaan dhacdooyinka dhaqanka ee magaalada. Cilmibaarisyada ayaa tilmaamay, in hiwaayad ahaan u samaynta jimicsiga iyo dhaqanku ay qaabab badan u taageerto nololwanaagga, koritaanka iyo waxbarashada carruurta iyo dhallinyarada. 

Lacag la'aan ku gelista dhacdoyinka, madaxfka iyo looxad-shaagle wadista

Berkadaha dabaashu waxay furmayaan bisha Maajo, laakiin dhallinyaradu waxay haddaba ka qaybgeli karaan dhacdooyinka kale. Guriga dalxiiska Hakasalmi ee quruxda badan una dhow maktabadda dhexe ee Oodi waxaa yaal bandhiguo isbeddelaya oo ku saabsan Helsinki. Hoolka looxad-shaagga ee Kontula waa hoolka gudaha ee looxad-shaagleynta ee ugu weyn Finland. Kooxda muusikada ee magaalada Helsinki waxay inta guga lagu jiro Musiikkitalo ugu qabanqaabinaysaa dhallinyarada saddex riwaayadood oo lacag la'aan ah.

Xarumaha dhaqanka ee Helsunki waxaa sannadkii lagu qabanqaabiyaa boqollaal dhacdooyin. Sannadkan waxay carruurta iyo dhallinyaradu si lacag la'aan ah ku gelayaan dhacdooyinka la xulay. Dhacdooyinka waxay ka jiraan Caisa Kallio, Kanneltalo Kannelmäki, Malmitalo Malmi, Vuotalo Vuosaari iyo Stoa Itäkeskus. Dadka oo dhan ayeey dhacdooyinku u furan yihiin, laakiin dadka ka weyn 20 sano waa in ay sida caadiga ah u iibsadaan tikitka lagu galo.

Qaybo laga soo qaadday dhacdooyinka la xushay:

Sidan ayuu ilmaha ama da'yarku lacag la'aan ugu gelayaa

Si uu da'yarku lacag la'aan ugu galo dhacdooyinka sannad-guurada iyo goobaha, waa in uu heystaa kaarka xubinnimada adeegyada dhallinyarada ee dijitaalka ah, yacni Jässäri. Waalidku waa in isagoo isticmaalaya aqoonsiga xooggan ka diiwaangeliyaan kaarka xubinnimada ee cunugga 18 sano kayar shabakadda, taas oo u baahan aqoonsiyada bangiga ama xaqiijinta mobaylka. Qofka qaangaarka ah isaga ayaa isu diiwaangelin kara sidii isticmaalaha kaarka xubinnimada ee Jässäri.

Diiwaangelinta kaddib ayuu da'yarku telefoonkiisa ku soo degsanayaa ablikeeshinka Popula, kaas oo uu kaarkiiska xubinnimada ka tusi karo kormeeraha tikitka. Waxaa kale oo kaarka xubinnimada lagu gelaa xarumaha dhallinyarada iyo dhacdooyinka iyo hiwaayadaha dhallinyarada.

Waxaad caawimaadda diiwaangelinta kaarka Jässäri ka heleysaan xarunta dhallinyarada iyo maktabadaha. Haddii aanay gebi ahaanba suuragal ahayn aqoonsiga iyo isticmaalidda ablikeeshinku, waxaa xarumaha dhallinyarada looga diiwaangelin karaa cunugga ama da'yarka kaarka baxda ahi.
 
Waxaad horay u soo qaadan kartaan tikidhada lacag la'aanta ah ee xarumaha dhaqamada adigoo isticmaalaya bogga shabakadda ee Goobaha tikidhada. Waxaad linkiyada ka heleysaan dhammaadka wararka. Waxaad sidoo kale tikidhada lacag la'aanta ah ka qaadan kartaan goobta dhacdada kahor inta aanay dhacdadu billaaban. Haddii tikidhada dhacdada la wada iibiyay, tikit lagama helayo goobta dhacdada. Waxaan kuu soojeedinaynaa, in aad tikitka horay u sii qaadayo.

You might be interested in