Si nabad ah u degganaada xilliga jiilaalka

Halista dabka kaca waxay korortaa xilliga qaboobaha, markaas oo guryaha wax badan la kululeeyo. Waxaad nololmaalmeedkeeda dhexdiisa ku samayn kartaan doorashooyin yaryar oo idinka caawinayaa kahortagga shilalka. Sidan ayuu gurigiinnu ku ahaanayaan mid diirran oo ammaan ah.
Dabka ka dhashay feerada dharka lagu kaawadeeyo oo saaran miiska feerada.
Guriga ammaanka ah wuxuu keenaa deganaan qalbi iyo nololmaalmeed si fiican u socda. Photo: Enni Ustinov

Miyaad ogtihiin, in halista dabka kaca ay aad u kororto xilliga qaboobaha? Shumacyada, qalabka wax lagu kululeeyo ee korontada ku shaqeeya iyo foornooyinka la kulaalo waxay keenaan kuleyl iyo jawi, laakiin waxay sidoo kale sababi karaan xaalado halis ah. Marka aad ku dadaashaadaan nidaamka guriga iyo ammaanka dabka, waxaad ka hortegeysaan shilalka waxaadna sidoo kale hagaajinaysaan ammaakiina iyo kan deriska.

Banneeya meelaha jidadka laga baxo 

Ilbiriqsi kasta waa muhiim, marka lagu jiro xaalad halis ah. Xaqiijiya, in marinka dhexe iyo balakoonka aanay alaab oollin, albaabka dibadda hortiisana aanay waxba ku gudbanayn. Ku dadaala, in fure la'aan uu albaabku furmayo. Haddii aadan bannaanka uga bixi karina albaabka bannaanka, balakoonka ayaa noqon karin marin lagu badbaado.

Alaabaha u keydsada si ammaan ah

Halista dabka darteed, haku keydinnina alaabaha sawnada, foornada ama shooladda dusheeda. Banneeya meelaha la maro gawaarida carruurta iyo baaskiilada geeya goobaha ay shirkadda gurigu ugu talagashay. Alaabaha aadka u fara badan ama alaabaha meelo khaldan la dhigay waxay sababi karaan dabka ka ca ama shil kale waxayna adkayn karaan bixitaankiina marka lagu jiro xaalad halis ah.

Nadiifiya mashiinnada guriga tijaabiyana qalabka digniinta dabka

Boorka iyo dufanka ku uruura mashiinnada guryaha ayaa si fudud dab u kicin kara. Si joogto ah u nadiifiya meesha uu ka baxo qiiqa cuntada ee shooladda, foornada iyo qalabka korontada. Waxaad sidoo kale xaqiijisaan, in qalabka digniinta dabku uu shaqaynayo – waxaa qasab in uu guri kasta yaalo, mas'uuliyaddiinuna waa in aad ku dadaashaan shaqayntiisa.

Miyaad taqaanaan, sida wax loo qabto marka uu dab kaco? 

Haddii dab ka kaco guriga:

  • Badbaadiya dadka kale, haddii ay suuragaltahay.
  • Iskudaya in aad dabka damisaan, haddii ay ammaan tahay.
  • Ka baxa guriga albaabkana xira.
  • Waxaad wacdaan lambarka xaaladaha degdegga ah ee 112.
  • Ku haga goobta ciidanka dabdamiska. 

Haddii uu qiiq ku jiro qaybta jaranjarada guriga: 

  • Jooga gurigiina.
  • U wareegga balakoonka ama daaqadda agteeda.
  • Waxaad wacdaan lambarka xaaladaha degdegga ah ee 112.
  • Caawimaadda suga. 

Ammaanu waa mid ka weyn u hoggaansamidda sharciga,  waxay keenaysaa xasillooni iyo habsami u socodka nolol maalmeedka. Ficillo yaryar ayaad ku xaqiijin kartaan, in xilligiina qaboobuhu uu noqdo mid diirran oo ammaan ah.