Metroogu ma marayo Rastila ama Vuosaari laga billaabo Maajo illaa iyo dhammaadka Sebtembar

Hawlaha dayactirka ah ee buundada metrooga ee Vuosaari waxay kala goynayaan isu socodka gaadiidka metrooga inta u dhexeysa 5.5.–28.9.2025. Inta uu gaadiidka kala go 'an yahay, wuxuu metroogo Bariga Helsinki ka dhex shaqaynayaa inta u dhexeysa maxaddooyinka Itäkeskus iyo Puotila oo kaliya. Si caadi ah ayuu u shaqaynayaa metroogu inta u dhexeysa Itäkeskus iyo Mellunmäki. Maamulka gaaiidka soonaha Helsinki (HSL) ayaa inta uu gaadiidka kala go'an yahay kordhinaya basaska ka shaqaynaya inta u dhexeysa Itäkeskus iyo Vuosaari.
Metrooga oo ku socda buundada dayactirku socdo.
Hawlaha dayactirka ah ee buundada metrooga ee Vuosaari waxay kala goynayaan isu socodka gaadiidka, xilligaasna metroogu ma marayo inta u dhexeysa maxadadda Rastila iyo Vuosaari. Photo: Tero Pajukallio

Si aan qaab tayaysan ugu hirgelinno hawlaha dayactirka ah ee buundada cimriga buundada u sii jiro illaa iyo mustaqbalka fog, waa lagamamaarmaan in la hakiyo socodka metrooga. Haddii aan socodka la hakin, hawlaha dayactirku wakhti dheer ayuu qaadan lahaa kharashaadku si xaddhaaf ah ayeey u kordhi lahaayeen. Waxaa hakinta metrooga la isku dayayaa, in dhibka soo gaaraya musaafuriintu uu sida ugu macquulsan u yaraado.

Inta lagu jiro hakadka gaadiidka metrooga ayaa sidoo kale dib u habayn aasaasi ah iyo dayactirro kale oo yaryar lagu samaynayaa maxadadda metrooga ee Vuosaari.

Hawlaha dayactirka ah ee buundada metriiga Vuosaari

Dayactirka aasaasiga ah ee lagu samaynayo buundada metrooga Vuosaari waxaa lagu hagaajinayaa biyo dareerka iyo dildillaacyada qaabdhismeedka buundada ku yimid. Waxaa kale la cusboonaysiinaa biyo-celinta iyo nidaamka qallajinta buundada, si mustaqbalka aanay biyuhu u waxyeelleyn buundadka.

Buundadu waxay jirtaa 28 sano kanina waa dayactirkii koowaad ee si buuxda loogu sameeyo. Mashruuca buundadu waa ka dhib badanyahay dayactirkii lagu sameeyay buundada isku xirta Kontula iyo Mellunmäki xilligii uu gaadiidka metrooga hakatka ku jira ee xagaagii 2024, sababtoo ah waxaa hawlo badan lagu qabanayaa biyaha hoostooda.

Dayactirka aasaasiga ah ee maxadadda metrooga Vuosaari

Qaabab badan ayaa loo dayactirayaa aagga kaabadda maxadadda metrooga Vuosaari. Waxaa kale oo la cusboonaysiinayaa jaranjarada socota, biyo celinta kaabadda, nalal iyo nidaamka farsamo ee maxadadda. Waxaa dayactirka looga dhigayaa maxadadda metrooga ee Vuosaari mid sidii hore ka ammaan badan, ka shaqo badan, ka raaxo badan kana tamar tashiil badan.

Mashaariicyada yaryar 

Inta lagu jiro kala go'a gaadiidka ayaa sidoo kale dhabbaha metrooga iyo hareerihiisa lagu samaynayo shaqo badan oo dayactir u baahan. Tusaale ahaan, waxaa la cusboonaysiinayaa nalalka maxadadda metrooga Rastila agagaarka Itäkeskusna qaybqayb ayaa loo samaynayaa. 

Sii akhri warar dheeraad ah oo ku saabsan hakatka gaadiidka metrooga Vuosaari (af ingiriis)(Link leads to external service)  

Basaska ayaa shaqaynayaa inta lagu jiray hakatka gaadiidka 

Maamulka gaaiidka soonaha Helsinki (HSL) ayaa in kordhinaya inta uu gaadiidka metroogu hakatka ku jiro basaska ka shaqaynaya inta u dhexeysa Vuosaari iyo Itäkeskus, si uu socodkaadu u noqon mid hufan. 

  • Baska 99V ayaa ka baxaya maxadadda metrooga Vuosaari wuxuuna aadayaa Itäkeskus isagoo sii maraya Rastila, laakiin ma joogsanayo maxadda Puotila. Ma jiro bas toos ah oo ka baxaya Puotila ee aadaya Vuosaari ama Rastila.
  • Baska 560 ayaa ka baxaya maxadadda Rastila wuxuuna aadayaa maxadadda metrooga ee Mellunmäki isagoo sii maraya Vuosaari, halkaas oo aad si caadiga uga raaci karto metrooga.
  • Baska 98 ayaa ka baxaya Rastila wuxuuna aadayaa maxadadda metrooga Itäkeskus.

Waxaad marinno kala duwan oo aad kala dooran karto ka heleysa Hagaha marinnada (af ingiriis)(Link leads to external service)
Ka akhri ogeysiisyada HSL ee ku saabsan isbeddellada gaadiidka ee soonaha Vuosaari (af ingiriis)(Link leads to external service)

Fiiro u yeelo marka aad jirdka marayso dayactirka jidka marinka hoose ee Vuosaari

Waxaa xagaaga 2025 billaabayana dayactirka jidka marinka hoose ee Vuosaari, kaas lagu cusboonaysiinayo nidaamka marinka hoose lagulana dayactiraryo qaabdhismeedkiisa. Sababo ammaan dartood ayaa gaadiidka laga xirayaa marinka hoose qiyaastii sannad. Waxaa inta dayacytirku socdo gaadiidka loo leexinayaa jid wareeg ah oo isu maraya Itäväylä–Kallvikintie–Niinisaarentie–dekedda Vuosaari. Waxaa dhici karta, in xilliga dayactirka ay waddooyinku ciriiri noqdaan subaxdii iyo galabtii iyo weliba xilliyada xamuulka laga dejinayo maraakiibta dekadda Vuosaari.

Sii akhr warar dheeraad ah oo ku saabsani dayactirka jidka marinka hoose ee Vuosaari (af ingiriis)(Link leads to external service)