Gaadiidka metrooga waxaa xagaaga 2024 ka jira dhadhaqaaqyo badan oo aan caadi ahayn

Gaadiidka metroogu ma marayo inta xagaaga lagu jiro maxaddooyinka oo dhan. Maxadadda metrooga ee Barxadda tareenada (Rautatientori) waa xirantahay, bartamaha Helsinkina looguma safri karo metrooga. Hawlo dayactir ah dartood ayaanu gaadiidka metroogu u marayn sida caadiga ah Mellunmäki, Kontula iyo Myllypuro.
Rakaabka oo kaabadda ku sugaya metrooga imaanaya.
Maxadadda metrooga ee Rautatientori waa xirantahay xagaaga oo dhan. Photo: Antti Honkala

Metrooga Helsinki wuxuu shaqaynayay in ka badan 40 sano. Waa in nidaamka metroogu ku shaqeeyo iyo maxaddooyinka metrooga la dayactiraa, si uu metroogu u shaqeeyo tobaneeyada sano ee soo socda. Qayb kamid ah hawlaha hagaajinta ah ee soo socda waxay xagaaga 2024 u baahan yihiin in dhowr maxaddo laga joojiyo gaadiidka metrooga.

Xagaaga 2024 waxaa la hagaajinayaa ammaanka dabka ee maxadadda metrooga ee Rautatientori waxaa sidoo kale la dayactirayaa buundooyinka metrooga ee ku yaal inta u dhexeysa Kontula iyo Mellunmäki iyo kaabadda maxadadda metrooga ee Kontula.

Waxaan ku dadaalaynaa in aan yarayno dhibaatada dadka masaafurka ah ka soo gaaraysa hawalaha dayactirka ah annagaa samaynayna hawlo dayactir ah oo badan inta lagu jiro isla wakhtiga gaadiidka xayiranyahay.

Waxaa booska gaadiidka metrooga buuxinaya gaadiidka basaska iyo taraamka.

Maxadadda metrooga ee Rautatientori waa xiranthay 3.6.–1.9.2024

Maxadadda metrooga Rautatientori waxay xirantahay muddo saddex bilood ah oo ka billaabanaysa billowga Juun illaa iyo billowga Sebtembar. Inta aanu shaqaynayn, metroo lagulama safri karo bartamaha Helsinki. Goobaha shaqada dartood ayuu metroogu u shaqaynayaa si ka yar sida caadiga ah.

Maxadadda uu metrooga Espoo ka imaanaya ku dhammaanayo waa Kamppi iyo kan Bariga Helsinki ka imaanaya oo ku dhammaanaya Jaamacadda Helsinki. Metrooga aadaya dhinaca bari ee bartamaha magaalada ka baxaya wuxuu baxayaa 5 daqiiqaba mar kan dhinaca galbeedka aadayanaya waxaa u dhexeysa 6 daqiiqo. Metrooyada Espoo ka shaqaynaya oo dhan waxay tegayaan illaa iyo Kivenlahti.

Qaybta uu metroogu ka maqanyahay waxaa ka shaqaynaya taraamyada kala ah 9 iyo 9B.

Maxadadda metrooga ee Mellunmäki waa xirantahay 3.6.–8.9., waxaa kale oo aan si caadi ah u shaqaynayn kuwa Kontula iyo Myllypuro

Shaqada dayactirka buundada metrooga darteed ayeey maxadadda metrooga ee Mellunmäki u xirantahay 3.6.–8.9. Sida caadiga ah, maxadadda ay ku dhammaanayaan metrooyada u socda Mellunmäki waa iyadoo ku xiran xaaladda goobaha shaqada Kontula, Myllypuro ama Itäkeskus. Goobaha shaqada dartood ayuu sidoo kale metrooga uga shaqaynayaa Bariga Helsinki oo dhan sidii hore si kayar.

Maxadadda metrooga ee Kontula waxay hawlaha dayactirka aasaasiga ah dartiis u xirantahay 24.6.–4.8.

Maxadadda metrooga ee Myllypuro waxay dayactirka aasaasiga ah ee buundooyinka dhabbaha metrooga dartiis u xirantahay 8.7.–4.8.

Metroogu wuxuu laga billaabo 3.6. qaybta u dhexeysa Itäkeskus iyo Myllypuro ama Kontula marayaa 10 kii daqiiqaba halmar. Metroogu wuxuu jadwadlkiisa caadiga ah ku soo laabanayaa laga billaabo 2.9.

Metrooga waxaa booskiisa Bariga Helsinki buuxinaya baska 99M. Basku wuxuu ka shaqaynayaa laga billaabo Itäkeskus ama Kontula iyadoo ku xiran yahay maxadadda uu metroogu gaaraya. Waxaa intaas dheer in basaska qaar ay sidii hore si ka badan u marayaa agagaarkaas.