
Afkiinna hooyo ayaad caawimaad uga heleysaan jardiinooyinka ciyaarka
Jardiinooyinka ciyaarta ee Helsinki waxaa ka shaqeeya shan hage oo cusub oo luqado badan ku hadla. Waxay ku hadlaan luqado badan oo kala duwan: finnish, ingiriis, soomaali, carabi, ruush, sorani iyo turkmeeni.
Waxaad sidoo kale hagayaasha luqadaha badan ku hadla weydiin kartaan caawimaadda arrimo badan oo la xiriira nololmaalmeedkiinna iyo kan ilmihiinna. Wuxuu markaas dalbi karaa turjubaan uu wadahadalka u kaashado.
Hagayaasha luqadaha badan ku hadla ee jardiinooyinka ciyaarta waxay ka shaqeeyaan shan aag oo Helsinki ku yaal. Aagaggu waa Mellunkylä-Vuosaari, Myllypuro-Vartiokylä, Reijola-Munkkiniemi-Haaga, Kaarela iyo Malmi-Latokartano.
Hage kasta waxaa loo magacaabay jardiino weyn oo u gaar ah, waxaana taas u dheer in ay ku wareegayaan jardiinooyinka kala duwan ee aagga ku yaal. Hagaha waad wici kartaa wakhti kulanna waad ka qabsan kartaa.
Hagayaasha luqadaha badan ee Helsinki waxay qoysaska ka caawiyaan nololmaalmeedka
Helsinki waxaa joogaa isuggeyn 32 hage oo luqado badan ku hadla, kuwaas oo ku hadla luqado fara badan. Ka sokow shanta hage ee cusub ee jardiinooyinka ka shaqeeya, sideed hage ayaa ka shaqeeyaa xannaanooyinka, 15 waxay ka shaqeeyaan dugsiyada labana waxay ka shaqeysaa machadka waxbarashada dadka waaweyn, yacni xarunta koorasyada ee dadka waaweyn. Waxaa kale oo ay labo hage ka shaqeeyaan adeegyada ku baxa luqadda iswiidhishka.
Hagaha luqadaha badan wuxuu tusaale ahaan:
- idiin sheegi karaa adeegyada Helsinki ee idinka iyo ilmihiinna loogu talagalay.
- idinka caawin karaa isticmaalka kambuyuutarka.
- idinka caawin karaa buuxinta codsiga guriga.
- idinka caawin karaa helitaanka kooraska la qabsashada dalka ama koorashada luqadda.
- idinka caawin karaa in aad ilmihiinna u heshaan hiwaayad.
- la dheeli karaa, heesi karaa ama wax ku aqrin karaa luqadda hooyo ee ilmihiinna.
- iidinka caawin karaa codsashada xannaanada, dugsiga ama naadiga galabti ee ilmihiinna. Naadiga galabtii waa naadi hiwaaydeed ay carruurtu aadaan maalin-dugsiyeedka kaddib.
Hagayaasha luqadaha badan waxay ku faraxsan yihiin in ay ku caawiyaan
Waxaa hagayaasha luqadaha badan ku hadla muhiim u ah, in qoysasku ay indha-indheeyaan adeegyada Helsinki waxna ka bartaan ku noolaaanshaha Finland.
– Hadafka aniga iigu muhiimsan waa, in qoysasku ay bartaan sidii ay isugu filnaan lahaayeen halkan. Waxaa aniga muhiim ii ah, in aanan macaamiisha u qaban arrimahooda ee aan iyaga ku hago jidaha saxda ah, waxaa sidaas sheegay Emran Ahmad oo ka shaqeeeya jardiinooyinka ciyaarta.
– Waxa ugu fiican shaqadayda waa la kulmidda qoysaska. Gaar ahaan marka lagu jiro xaaladaha aan awooday in aan caawiyo, inkastoo ay xaaladda nololeed ee qoysku aad u adkayd. Waxay ahayd mid abaalmarin leh, Sahro Ibrahim ayaa sidaas tiri.
Hagaha saddexaad, Iman Weli ayaa fikraddaas la qabta. Caawinta qoysaska ayaa ah arrinta ugu fiican shaqada.
– Marka hore dadku aad ayeey u welwelsan yihiin kaddibna aad ayeey u faraxsna yihiin! Waxaan macaamiisha ka caawiyay tusaale ahaan buuxinta foomamka hoggaanka socdaalka, cusboonaysiinta sharciga degganaansha dalka iyo codsashada baasaboorka, Weli ayaa sidaas sheegtay.
Aragti-celinno wanaagsna oo badan ayeey hagayaasha luqadaha badan ka heleen qoysaska. Waxay ku faraxsanaayeen in ay macaamiisha caawiyaan. Hagayaashu waxay ku dhiirrigeliyaan macamaiisha in ay la soo xiriiraan.
Macluumaadyada xiriirka ee hagayaasha luqadaha badan ee jardiinooyinka ciyaarta
Emran Ahmad (Mellunkylä-Vuosaari)
- Jardiinada ciyaarta ee weyn: Jardiinada ciyaarta Lampi (Leikkipuisto Lampi) (af ingiriis)
- Luqadaha: finnish, soomaali, ingiriis
- Macluumaadyada xiriirka: emran.ahmad@hel.fi(Link opens default mail program) , 040 704 3170
Iman Weli (Kaarela)
- Jardiinada ciyaarta ee weyn: Jardiinada ciyaarta Trumpetti (Leikkipuisto Trumpetti) (af ingiriis)
- Luqadaha: finnish, carabi, turkmeeni, sorani
- Macluumaadyada xiriirka: iman.weli@hel.fi(Link opens default mail program) , 040 656 9346
Sahro Ibrahim (Malmi-Latokartano)
- Jardiinada ciyaarta ee weyn: Jardiinada ciyaarta Salpausselkä (Leikkipuisto Salpausselkä) (af ingiriis)
- Luqadaha: finnish, soomaali, ingiriis
- Macluumaadyada xiriirka: sahro.ibrahim@hel.fi(Link opens default mail program) , 040 678 2612
Alla Kurhinen (Myllypuro-Vartiokylä)
- Jardiinada ciyaarta ee weyn: Jardiinada ciyaarta Iso-Antti (Leikkipuisto Iso-Antti) (af ingiriis)
- Luqadaha: finnish, ruush, ingiriis
- Macluumaadyada xiriirka: alla.kurhinen@hel.fi(Link opens default mail program) , 040 683 0326
Jaroslava Wahlsten (Reijola-Munkkiniemi-Haaga)
- Jardiinada ciyaarta ee weyn: Jardiinada ciyaarta Ida (Leikkipuisto Ida) (af ingiriis)
- Luqadaha: finnish, ruush
- Macluumaadyada xiriirka: jaroslava.wahlsten@hel.fi,(Link opens default mail program) 040 355 9236