Iska diiwaangeli fasalka koowaad iyo waxbarasho-horaadka bisha Jannaayo

Carruurtu waxaay sida caadiga ah Finland ku bilaabaan dugsiga hoose-dhexe markay toddobo sano jiraa. Intaanay dugsiga bilaabin waxaa uga horeeya waxbarasho-horaad hal sano ay dhigtaan oo lagu tababarto awoodaha uu ilmuhu ugu baahanyahay dugsiga hoose-dhexe. Sannadka 2018 carruurtii dhalatay waxaay bilaabayaan dugsiga hoose-dhexe bisha agoosto ee 2025. Isla markaasna carruurtii dhalatay 2019 waxaay bilaabayaan waxbarasho-horaadka.
Ardeydu casharada waxaay kaga shaqeynayaan fasalka dugsiga.
Codsashada waxbarasho-horaadka halka sano qaadanaysa iyo fasalka koowaad waxaay bilaabmaysaa Jannaayo 2025. Photo: Maija Astikainen

Iska diwaangelinta fasalka koowaad waxaay bilaabmaysaa 7.1.2025

Magaalada Helsinku waxaay bishii Noofembar boostada ku dirtay warbixinta Tervetuloa kouluun (Ku soo dhawoow dugsiga) ee loogu talo galay qoysaska carruurtoodu 2025 u bilaabayaan fasalka koowaad. Warbixintaas waxaa lagu koobay macluumaad faahfaahsan oo af finnish iyo af iswidhish lagu qoray macluumaadka khuseeya bilaabista fasalka koowaad. Warbixintaas waxaa laga akhrisan karaa bogga internetka ee magaalada waxaana laga heli karaa warbixintaas oo la soo koobay oo ku qoran af carabi, af soomaali iyo af ruush.

Qaab elegtroonig ah dugsiga iskaga diwaangeli adeegga Asti muddada u dhaxeysa 7.–26.1.2025. Waxaan adeegga Asti ku isticmaali kartaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis. Si aad adeegga Asti u isticmaasho waxaad u baahantahay macluumaadka bangiga ee finishka lagu adeegsado ama xaqiijinta aqoonsiga ee moobaylka.

Waxaad sidoo kale fasalka koowaad iskaga diwaangelin kartaa adiga oo dugsiga taga arbacada 22.1.2025 saacadda 8-10. Dugsiga kuu dhow waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee magaalada Helsinki markaad cinwaankaaga geliso goobta raadinta. 
 
Haddii aad caawimaad ugu baahantahay inaad ilmahaaga ku diwaangeliso fasalka koowaad, la xidhiidh la talinta adeegga ee barbaarinta iyo tacliinta oo ku jira cinwaanka koulutusneuvonta@hel.fi(Link opens default mail program) ama taleefanka +358 9 310 44986. Waxaad ku daneysan kartaa afkaaga hooyo, sababta oo ah adeegga waxaa ku jira turjumaad. 

Nidaamka adeegga ee elegtrooniga ah ee Asti (af ingiriis)(Link leads to external service) 
Qaabka dugsiga dhow lagu raadiyo ee Etsi lähikoulua (af ingiriis)
Hagitaanka Tervetuloa kouluun (Ku soo dhowow dugsiga) (af ingiriis)(Link leads to external service)
Qoraalka la soo koobay ee Tervetuloa kouluun (Ku soo dhawoow dugsiga) (af soomaali)(Link leads to external service)

Isdiiwaangelinta waxbarasho-horaadka ayaa billaabanaya 8.1.2025

Magaalada Helsinki ayaa qaab automaatig ah ugu qorsheyneysa ardeyda bilaabaya waxbarasho-horaadka, haddii wakhti xaadirkan ay ku jiraan xanaano degmadu leedahay.

Xasuuso inaad aqbasho booska muddada u dhaxeysa 13.–26.2.2025 adigoo qaab elegtroonig ah ugu maraya nidaamka adeegga ee Asti, xattaa haddii ilmahaagu uu si automaatig ah u helay boos xanaano. Si aad adeegga Asti u isticmaasho waxaad u baahantahay macluumaadka bangiga ee finishka lagu adeegsado ama xaqiijinta aqoonsiga ee moobaylka.

Ilmahaagaha qaab automaatig ah loogama diwaangelinayo waxbarasho-horaadka, haddii uu ku jiro xanaano gaar loo leyahay, waxqabad kooxeed, haddii uu muddo cayiman ka maqanyahay xanaanada ama haddii aad guriga ku xanaaneyso. Markaas waa inaad adigu ilmahaaga ka diwaangelisaa waxbarasho-horaadka adiga oo u maraya nidaamka Asti muddada u dhaxeysa 8.–21.1.2025.

Magaalada Helsinki ayaa macluumaad faahfaahsan boosto ahaan ugu diraysa guryaha qoysaska ardeyda waxbarasho-horaadka ka soo gudbaya ee soo galaya fasalka koowaad, waxaa macluumaadkaas ay ku qoranyihiin af finnish ama iswidhish. Warbixintaas waxaa laga akhrisan karaa bogga internetka ee magaalada waxaana laga heli karaa warbixintaas oo la soo koobay oo ku qoran af carabi, af soomaali iyo af ruush.  
 
Haddii aad caawimaad ugu baahantahay inaad ilmahaaga ku diwaangeliso waxbarasho-horaadka, la xidhiidh la talinta adeegga ee barbaarinta iyo tacliinta oo ku jira cinwaanka varepalveluohjaus@hel.fi(Link opens default mail program) ama taleefanka +358 9 310 80488. Waxaad ku daneysan kartaa afkaaga hooyo, sababta oo ah adeegga waxaa ku jira turjumaad.  

Nidaamka adeegga ee elegtrooniga ah ee Asti (af ingiriis)(Link leads to external service) 
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxbarasho-horaadka (af ingiriis) 
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxbarasho-horaadka (af soomaali)  

You might be interested in