Doorashada degmada waxaa la qaban doonaa 13-ka Abriil

Waad codeyn kartaa doorashada degmada, haddii aad buuxisay 18 sano maalinta doorashada wakhti cayimanna aad ka diiwaangashnayd degmo Finland ku taal. Maalinta doorasshada degmooyinka waa Axadda 13.4. Codbixinta horudhaca ah waxaa waddanka gudihiisa laga qabanqaabinayaa 2.–8.4.2025, dalka dibaddiisana 2.–5.4.2025.
Codbixiye ayaa sanduuqa codbixinta ku ridaya warqadda codeynta.
Waxaa doorashooyinka degmada si hordhac ah looga codayn karaa meel kasta oo ay ku taal goobta codbixinta hordhaca ah ama waxaa maalinta doorashada ee rasmiga ah laga codayn karaa goobta codbixinta ee horay loo sii cayiman. Photo: Marjo Karttunen

Waxaa doorashada degmooyinka lagu doorayanaa wakiilada golaha deegaannada, kuwaas oo go'aan ka gaaraya waxqabadka iyo dhaqaalaha degmooyinka. Waxaad doorashada degmooyinka codkaaga ku sii kartaa murashaxa degmadaada ah oo kaliya. Marka aad doorashada degmooyinka ka codeyso, waxaad saamayn ku yeelanaysaa go'aan gaarista Helsinki.
 
Ka sokow doorashada degmooyinka, waxaa deegaannada kale ee Finland lagu qabanqaabinayaa doorashada gobollada, kuwaas oo lagu dooranayo wakiilada gobollada nololwanaagga. Doorashada gobolladu kama dhacayaa Helsinki, sababtoo ah magaalada ayaa ka mas'uul ah qabanqaabinta adeegyada sooshalka iyo caafimaadka iyo hawlaha badbaadinta.

Yaa ka codayn kara doorashada degmooyinka?

Waad ka codayn kartaa doorashada degmooyinka, xittaa haddii aadan ahayn muwaadin Finnish ah. Waxaad leedahay xaqa codaynta, haddii aad buuxinayso ugu dambeyn maalinta doorashada 18 sano isla markaana aad tahay:

  • Muwaadin u dhashay Finland ama waddan xubin ka ah Midowga Yurub, Iceland ama Norway. Waa in aad ka diiwaangashnayd degmadaada laga billaabo 21.2.2025.
  • Muwaadin u dhashay dal kale. Waa in aad ka diiwaangashnayd degmadaada laga billaabo 21.2.2025 iyo in aad Finland ku lahayd degmo aad degganayd labo sano oo xiriir ah.
  • Aad ka shaqaynaysay hay'ad caalami ah oo Midowga Yurub ama Finland ka hawlgasha islamarkaana aad deegaan ku lahayd degmada aad doonayso in aad ka codsayso laga billaabo 21.2.2025. Waa in macluumaadkaaga laga helaa nidaamka macluumaadka dadka, taas oo ay sii dheertahay, in aad qoraal ahaan u wareglisay Hay'adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka (DVV) ugu dambeyn 20.2.2025, in aad doonayso in aad ka codayso doorashada degmooyinka.

Sidee ayaan uga codanaynaa doorashada degmooyinka?

U qaado goobta codbixinta kaarka aqoonsiga, baasaboor, laysinka baabuurta lagu wado ama dukumentiga kale oo u dhigma sawirna leh. Haddii aadan haysan waxyaabaha kor lagu soo sheegay, waxaad kaarka aqoonsiga lacag la'aanta iyo ku meelgaarka ah ee loogu talagay codbixinta ka soo qaadan kartaa xarunta booliska ee kuugu dhow. Si aad u hesho kaarka aqoonsiga, waxaad u baahantahay sawir baasaboor oo aan lix bilood ka weynayn.

Waxaad ka codayn kartaa doorashada degmooyinka:

  • Maalinta doorashada oo ah Axadda 13:ka Abriil. Maalinta codbixinta waxaad ka codayn kartaa oo kaliya goobta codbixinyta ee lagu soo qoray wargelinta boostada laguugu soo diray. Goobaha codbixintu waxay furan yihiin 9–20 saac.
  • Waxaa goobaha kasta oo codbixinta hordhac ah loogu talagalay ee dalka gudihiisa ku taal laga codayn inta u dhexeysa 2.–8.4. ama dalka dibaddiisa inta u dhexeysa 2.–5.4.

Haddii aad qabto su'aal la xiriirta doorashada degmooyinka, codbixinta ama xaqaaga codbixinta, la xiriir guddiga xarunta doorashada ee magaalada Helsinki.

Goobaha codbixinta hordhaca ah ee Helsinki (af finnish)  
Goobaha codbixinta ee dalka dibadda (af ingiriis)(Link leads to external service)
Macluumaadyada xiriirka ee guddiga xarunta doorashada Helsinki (af ingiriis)

Sideen ku heli karaa musharaxa aniga igu habboon

Xisbiyada Finnishka ah ee laga helo rajistareeshinka xisbiyada iyo ururada codbixiyayaasha ee ay aasaaseen dadka leh xuquuqda codaynta ayaa murashixiinta u sharraxan kara doorashada degmooyinka.
 
Waxaad raadinta murashaxa doorashada degmooyinka ee kugu habboon ka kaashan kartaa mashiinka doorashada. Mashiinka doorashadu waa shabakad internet oo ay murashaxa iyo codbixiyuhu uga jawaabayaan su'aalaha ku saabsan aragtiyadooda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay qaddariyaan. Mashiinka doorashadu wuu isbarbardhigaa jawaabaha murashixiinta wuxuuna kugu wargelinayaa isagoo taas ku salaynayana murashixiinta ay jawaabahoodu u dhow yihiin kuwaaga.

Mashiinka doorashada ee Yle (af soomaali)(Link leads to external service)

You might be interested in