Adeegyada shaqaalaysiintu waxaay bixinaysaa taageero iyo warbixin ku saabsan nolosha shaqada

Adeegyada shaqaalaysiinta ee magaalada Helsinki waxaay bixinaysaa talobixin shaqsi ah oo luqado badan ku baxaysa oo ku saabsan su'aalaha la xidhiidha nolosha shaqada. Khabiirada ayaa kaa caawinaya dhibaatooyinka nolosha shaqada oo horumarinaya hirgalinta xuquuqda shaqaalaha.
Labo dumar ah ayaa kombiyuutar ku ag sheekaysanaya.
Adeegyada la talinta adeegyada shaqaalaysiinta waxaad ka heli kartaa caawimaad shaqsi ah oo ku saabsan su'aalaha la xidhiidha nolosha shaqada. Photo: Marek Sabogal/Helsinki Partners

Haddii aad shaqo haysato adeegyada shaqaalaysiintu waxaay kaa caawin karaan tusaale ahaan heshiisyada shaqada, bixinta mushaarka iyo shardiyada shaqada arrimaha la xidhiidha.

Talobixinta waxaad ka heli kartaa xog qiimo badan oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha. Intaas waxaa dheer in adeeggu uu ka hor tagayo isticmaalka iyo shaqaalaha shaqada u yimidday iyo dhibaatooyinka goobaha shaqada. Waxaad la soo xidhiidhi kartaa adeegga talobixinta markaad ka shakisantahay in si khaldan laguugula dhaqmay xidhiidhka shaqada.

Haddii aanad shaqaynin, adeegga la talintu wuxuu kaa caawinayaa tusaale ahaan arrimaha tacliinta, aasaasidda shirkadda iyo codsashada shaqada la xidhiidha.

Adeegyada shaqaalaysiintu waxaay adeegeeda ku bixisaa luqado badan

Adeegyada shaqaalaysiinta ee Itäkeskus waxaa lagu bixiyaa la talin shaqaalaysiineed oo luqado badan ah laga bilaabo deyrta 2022. La talinta waxaa lagu heli karaa af finnish, af ingiriis, af carabi, af daari, af faarisi, af kurdhis, af yukreeniyaan iyo af ruush. Adeegga waxaa la bixiyaa arbaco dhaaf 13–16 saac inta u dhaxeysa.

Goobta ayaad noogu iman kartaa si aad u hesho adeegyada shaqaalaysiinta iyadoonan ballan la qabsan. Talobixinta luqadaha badan waxaa hirgaliya mashruuca Reilu työelämä ee Suomen Pakolaisapu ry.

Wakhtiyada kale adeegyada shaqaalaysiinta talobixinta laga helo waxaay ku baxdaa af finnish, af iswidhis iyo af ingiriis. Kulamada shaqsiga ah marka loo baahdo waxaan ku adeegaynaa anago oo isticmaalayna turjumaanada luqadaha kala duwan.

Macluumaadka xidhiidhka ee xarunta shaqada Itäkeskus

Cinwaanka: Asiakkaankatu 3A, 00930 Helsinki
Wakhtiyada furnaanshaha: isniin-jimce 9.00-16.00