"Waxbarista la xoojiyay waxaay ahayd go'aan aad u fiican"

Dugsiga hoose-dhexe ee Pitäjänmäki waxaa lagu baran karaa waxbaris lagu xoojiyay dhaansi, jimicsi iyo suugaan fasalka toddobaad wixii kadambeeya. Imtixaanka doorashada waxaa la qabanqaabinayaa bisha jannaayo, umana baahna qofku inuu lahaado khibrad hore.
Kyösti 13, Miska 13, Elli 14, iyo Isabel 15, waxaay wax ka dhigtaan dugsiga hoose-dhexe ee Pitäjänmäki ee lagu xoojiyay waxbarista dhaansiga, jimicsiga iyo suugaanta. Photo: Antti Nikkanen
Kyösti 13, Miska 13, Elli 14, iyo Isabel 15, waxaay wax ka dhigtaan dugsiga hoose-dhexe ee Pitäjänmäki ee lagu xoojiyay waxbarista dhaansiga, jimicsiga iyo suugaanta. Photo: Antti Nikkanen

Ardayada fasalka sagaalaad dhigata ee Elli, 14 sano iyo Isabel, 15 sano, maalmahooda dugsigu waxaay ugu socdaan sida dhaansiga oo kale, ugu yaraan qaar ka mid ah xiisadaha. Waxaay dhigtaan dugsiga hoose-dhexe ee Pitäjänmäki waxaayna qaataan waxbarista la xoojiyay ee dhansiga, jimicsiga iyo suugaanta. Dhansiga Elli oo hiwaayad u lahayd waxaay go'aansatay inay codsato waxbarista la xoojiyay inkastoo asxaabteeda dhammaantood ay tageen dugsiyada u dhow. 

- Go'aankaasi mid aad u fiican ayuu ahaa. Dugsiyagaya waxaa ka jira jawi wadaag ah oo aad u fiican waxaanan helay asxaab badan oo cusub.

 

Illaa bilowgii fasalka toddobaad waxaa iigu jiray waxbarashada caadiga ah ka sakow xiisado waxbaristooda lagu xoojiyay muusig, suugaan iyo matalaad iyo dhaansiga casriga ah iyo labiska matalaada. Fasalka waxaan isku raacnay ruwaayado, waxaanan soo daawanay ciyaarta balet-ka waxaanan dugsiga wax ka soo jeedinay xafladaha kala duwan ee dugsiga. Elli iyo Isabel waxaay ku talo jiraan inay codsadaan dugsi-sare oo waxbaristiisa lagu xoojiyay dhaansi. Fasalka sagaalaad dhamaadkiisa shahaadada lagu dhameynayo sannad-dugsiyeedku waxaay faa'ido u tahay codsiga dugsiga sare.  Isabel waxaay kugu dhiirigalinaysaa inaad si dhiiran u codsato waxbaristaas, haddii dhaansiga, jimicsiga iyo suugaanta waxbarista lagu xoojiyay aad innaba daneyneyso. 

- Dadka cusub meeshan si fudud ayaa loogu bartaa sababta oo ah ardeyda fasalka kula dhigtaana waxaay leeyihiin waxyaabo ay xiiseeyaan oo la mid ah waxyaabaha aad adigu xiiseyso. 

 

Aqoonta luqadeed ee dhinacyada badan

 

Dugsiga hoose-dhexe ee Pitäjänmäki waxaa illaa fasalka toddobaad lagu qaadan karaa waxbaris lagu xoojiyay dhaansi, jimicsi iyo suugaan. Waxbarista waxaa xooga lagu saaraa waxqabadka, is dhexgalka iyo dabaqaada xirfadaha iyo aqoonta nolosha maalinlaha ah la socda. 

 

Ardeygu wuxuu sidoo kale ku tukhasusi karaa soo suugaanta oo noocyo kale ah ama isgaarsiinta, kolba sida uu isagu u xiiseynayo. Waxaa u bannaan inuu ardeygu dooran karo koorsooyin matalaada, muuqaalka dhaqaaqa, labiska matalaada muusiga iyo teknolojiyadda soo jeedinta ah. 

 

Waxbarista la xoojiyay waxaa lagu qaadanayaa maaddo gaar ah ama mowduuc gaar ah. Toddobaadka dugsiga ardeygu wuxuu ku qaadanayaa hal illaa labo saacadood oo ka badan ardeyda waxbarista guud qaata. 

 

Helsinki waxbarista la xoojiyay wuxuu ardeygu ku codsan karaa farshaxanka dhijitalka ah, suugaanta, farshaxanka, luqadda latiinka, jimicsiga, jimicsiga iyo maareynta guriga, aqoonta dhirta iyo sayanska, xisaabta, xisaabta iyo sayanska, barbaarinta miidhiyada, muusiga, dhaansiga casriga ah, suugaanta farshaxanka, dhaansiga, jimicsiga iyo suugaanta, sayanska dhaansiga, barbaarinta teknolojiyadda iyo isgaarsiinta. 

 

Waxbarista la xoojiyay waxaa la codsadaa guga waxaana lagu galaa imtixaan doorasho, oo lagu cabirayo ardeyga awoodihiisa uu ku qaadan karo waxbarashada la xoojiyay. Imtixaanada doorashada waxaa la qabanqaabiyaa bilaha jannaayo-febraayo muddada uu qofku codsan karona waa noofembar illaa diisembar. Ardeyda reer Helsinki ah ee fasalka lixaad dhigta waxaay waxbaristaas ku codsanayaan foomka Wilma-da lagu buuxinayo.

Macallimadda jimicsiga iyo dhaansiga Vilma Sugonen iyo macallimadda muusiga Pia Sandström waxaay kugu dhiirigalinayaan inaad waxbarista la xoojiyay ee imtixaanka doorashada laga qaybqaato iyadoo niyad furan lala imanayo - Arrinta ugu muhiimsan waa inuu qofku ku dhiiradaa inuu isku tuuro. Photo: Antti Nikkanen
Macallimadda jimicsiga iyo dhaansiga Vilma Sugonen iyo macallimadda muusiga Pia Sandström waxaay kugu dhiirigalinayaan inaad waxbarista la xoojiyay ee imtixaanka doorashada laga qaybqaato iyadoo niyad furan lala imanayo - Arrinta ugu muhiimsan waa inuu qofku ku dhiiradaa inuu isku tuuro. Photo: Antti Nikkanen

Xaflado aad kuu hiikicinaya

Macallimadda jimicsiga iyo dhaansiga Vilma Suhonen iyo macalimadda muusiga Pia Sandström way jecleystaan shaqadooda ay ka qabtaa dugsiga hoose-dhexe ee Pitäjänmäki. 

- Dugsiga yar ee qiyaastii 500 ee arday ay dhigtaan waxaa ka jira jawi wanaagsan oo wadaag. Macallimiintu waxaay ka yimaadaan dhaqamo badan oo kala duwan, taas oo ah qaninimo, sida ay Pia sheegtay. 

 

Tiirarka jawiga midnimo uu ku dhisanyahay waxaa ka mid ah xafladaha badan ee dugsiga lagu qabto ee qofka hiikicinaya oo u dhaxeeya kuwa halloweenka iyo krismiska illaa xafladaha guga iyo fiidadka waalidka lala kulmayo. Waxyaabaha xafladaha lagu soo jeedinayo waxaa badanaa ka mas'uul ah ardeyda waxbarista la xoojiyay dhigta. 

- Waxaan qof kasta ku dhiirigalinaynaa inay wax soo jeediyaan inkastoo mararka qaar ay naxdin qofka ku keento. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan arko sida ay ardaydu isku dhiirigaliyaan, ayaay tiri Vilma. 

 

Fasalka toddobaad ardaydu waxaay si faahfaahsan wax uga bartaan koorsooyin gaaban oo suugaanta la xidhiidha. Fasalka sideedaad iyo fasalka sagaalaad ardeyda dhigta waxaay fursad u leeyihiin inay doortaan koorsooyin ay wax aad uga sii bartaan. 

 

Qof kasta wuxuu fursad u haystaa inuu naftiisa u horumariyo si ku haboon aqoontiisa iyo xirfadiisa. Xiisadaha dhaansiga oo kaliya ayaa si balaadhan wax looga bartaa noocyo boqolaal ah oo dhaansi ah oo u dhaxeeya salsa illaa iyo hip hop. 

- Xattaa haddii dhaansiga uu qofku soo ciyaarayay sanado badan, mar walba waxaa jira ciyaar ku cusub. Dadka muddo dheer dhaansiga ciyaarayay waxaay fursad u helayaan inay naftooda careeyaan oo ay hindisaan dhaansiyo cusub, sida ay Vilma sheegtay.

 

Baraarujinta halabuurka

 

Dugsiga hoose-dhexe ee Pitäjänmäki ee waxbarista la xoojiyay ee dhansiga, jimicsiga iyo suugaanta waxaa imtixaamaadka qofka lagu dooranayo lagu qabanqaabiyaa bisha jannaayo. Imtixaanka waxaa lagu qiyaasayaa awoodaha jimicsiga, muusiga iyo dhaansiga ee qofku uu leeyahay iyo awooddiisa uu ku qaabilayo hagitaanada hadalka ah iyo kuwa dhaqdhaqaaqa ah. Imtixaanka doorashada waxaa sidoo kale qofka lagu siin karaa casharo la xidhiidha maadooyinka kale ee farshaxanka. 

- Waxbarista la xoojiyay waxaa loogu talo galay qof kasta oo xiiseynaya. Inkastoo ardeyda badankoodu ay hiwaayad ahaan hore ugu soo qaateen, ma aha daruuri si uu qofku booska waxbarasho u helo in dhaansigu hiwaayad u ahaa. Haddii aad xiiseynayso inaad baraarujiso halabuurkaaga, waxaan kugula talinayaa inaad codsato, sida ay Pia sheegtay. 

 

In qofku uu xiiseynayo ayaa sal u ah inuu ka soo bixi karo waxbarashada, sida ay Pia sheegtay. 

- Waxaa imtixaanka doorashada ku jira waraysi aan kugu waydiinayno inaad diyaar u tahay inaad saddex sano waxbarasho hiigsi leh ku qaadato. In saaxiib uu isla dugsigaas aad dalbanayso dalbanayo ma aha wax ku filan inaad ka soo baxdo. 

 

Guga fasalka sagaalaad waxaa la sameynayaa shaqada lagu gunaanadayo waxbarashada, oo tusaale ahaan noqon karta ama soo jeedin dhaansi ah ama waraysi podcast ah. Waxaa qiimeynaya macallin iyo arday. Shaqooyinka waxbarashada lagu gunaanadayo waxaa lagu soo jeedinayaa maaddada waxbarashada lagu xoojiyay soo jeedinta guga loogu qabanqaabinayo.

Vilma waxaay u aragtaa inay wax aad u fiican tahay horumarka ardeyda. 

- Dhaansiga ardeyga ciyaaraya waxaa macquul ah in muddadaas saddexda sano ah uu ku soo baxo hindiso dhaansi oo aad u xirfad badan inuu noqdo. Ardeyga aanan waligii hiwaayad u yeelanin muusig ayaa laga yaabaa inuu ka heesay xafladda guga ee fasalka sagaalaad.

 

Qoraalka: Eveliina Lauhio

Musiikkisoittimia
Photo: Antti Nikkanen

You might be interested in