Waxaa kaarka xubinnimada xarumaha dhallinyarada lagu helayaa waxqabadka wakhtiga firaaqada oo lacag la'aan iyo ammaan ah

Kaarka xubinnimadu wuxuu dhallinyarada u yahay furaha goobaha kala duwan magaalada, munaasabadaha iyo hiwaayadaha. Farriintan ka aqri, waxa lagu sameeyo xarunta dhallinyarada iyo sida looga shaqaysiiyo.
Kolme nuorta seisovat vierekkäin kaidetta vasten kaupunkiympäristössä.
Photo: Karun Verma

Xarumaha dhallinyaradu waa goobo ay dadka 9 sano kaweyn ay si lacag la'aan ah ugu qaadan karaan wakhtiga firaaqada. Da'yarku wxuuu xarunta dhallinyarada kula kulmayaa saaxiibo, hiwaayad(Link leads to external service) ayuu ku samaynayaa wakhtigana wuu ku qaadanayaa. Wuxuu ka qaybgeli karaa waxqabad kooxeedyada, sida naadiga cunto karinta, kooraska rinjiyeynta, dalxiiska gaaban ee bey'ada, waxqabadka ciyaarta ama tartanka isreebreebka ah ee kubadda cagta. Wuxuu sidoo kale da'yarku isticmaali karaa istuudiyayaasha muusikada ee xarumaha dhallinyarada wuxuuna ka qaybgeli karaa munaasabadaha dhallinyarada. Xarumaha dhallinyarada qaarkood waxaa lagu qabanqaabiyaa waxqabad kooxeed gabdhaha u gaar ah. Helsinki waxaa ku yaal in ka badan 50 xarumo dhallinyaro iyo goobo waxqabad iyo weliba hiwaayado badan oo la kala dooran karo.

Da'yar kasta waa lagu soo dhoweynayaa xarunta dhallinyarada. Da'yarku wuxuu xarunta dhallinyarada wakhtiga firaaqada oo fiican kula qaadan karaa dhallinyarada kale isagoo jooga bey'ad amaan ah. Waxaa markasta goobta jooga xirfadlayaasha shaqada dhallinyarada, kuwaas oo dhallinyarada la qorsheeya lana hirgeliya waxqabadka. Xarumaha dhallinyaradu waa kuwa mukhaadaraad la'aan ah mana la oggola nooc kasta oo takoor ama dhibitaan ah, tusaale ahaan cunsuriyadda.

Si loo helo kaarka xubinnimada, waa in qaab dijitaal ah la isu diiwaangeliyaa

Kaarka xubinnimada ayaa lagu gelayaa xarumaha dhallinyarada, munaasabadaha iyo hiwaayadaha. Kaarka xubinnimadu (waxaa hadalka caadiga ah ee finnishka ah lagu dhahaa Jässäri) waa dijitaal, yacni waxaa lagu isticmaalaa borowsarka shabakadda ama ablikeeshinka telefoonka. Isticmaalidda kaarka xubinnimadu waxay u baahantahay, in waalidku uu cunugga kayar 18 sano uga diiwaangeliyo kaarka xubinnimada shabakadda dhexdeeda isagoo isticmaalaya aqoonsiga xooggan. Qofka qaangaar ah isaga ayaa isu diiwaangelin kara sidii isticmaalaha kaarka xubinnimada.

Dhallinyarada iyo waalidkuba waxay kaarka xubinnimada ku helayaan macluumaad ku saabsan, munaasabadaha xarunta dhallinyarada ee xaafadda, adeegyada kale ee wakhtiga firaaqada dhallinyaradana waxay ku helayaan telefoonkooda. Si aad wax kasta oo faa'iido ah uga hesho kaarka xubinnimada, waa in aad telefoonkaaga ku soo dejisato ablikeeshinka Populon oggolaatana ogeysiisyada ablikeeshinka.

Caawimaadda isdiiwaangelinta

Aqoonsiga xooggan ee lagu sameeyo adeegga dijitaalka ah dhexdiisu wuxuu lamid ah iyadoo si fool ka fool ah loo tuso baasaboor ama kaarka aqoonsiga. Aqoonsiga xooggan waxaa inta badan lagu sameeyaa aqoonsiga bangiga shabakadda. Sidaas oo ay tahay, aqoonsiga xooggan kuma xidno wax lacag ah: kaarka xubinnimada ee dijitaalka ah waa lacag la'aan. Aqoonsiga xoogga iyo isticmaalka ablikeeshinka kaarka xubinnimadu waa ammaan. Ammaan da'yarka dartiis, waxaan u baahannahay macluumaadka xiriirka waalidka ee cusub, si aan horay ugala xiriirno, haddii ay wax qabadka dhexdiisa wax ka dhacaan. Magaalada Helsinki cid kale uma sii gudbinayso macluumaadyada da'yarka ama waalidka ee la bixiyay marka diiwaangelinta la samaynayay.

Haddii ay isdiiwaangelintu kula adagtahay, caawimaad ayaa la helayaa. Waxaad imaan kartaa xarunta dhallinyarada, halkaas oo ay shaqaalaha dhallinyaradu talo kugu siinayaan. Waxaa xarumaha dhallinyarada ka shaqeeya shaqaale luqado kala duwan ku hadla, haddii xittaa la waayo luqad la isla yaqaan, dhab ahaantii, horay ayeey arrinta loo sii socodsiinayaa. Waxaad sidoo kale booqan kartaa maktabadda xaafadda adigoo caawimaad weydiisanaya shaqaalaha maktabadda.

Sidan samee:

  1. Gal cinwaanka jassari.populon.fi(Link leads to external service) (boggu wuxuu ku shaqeeya finnish, iswiidhish iyo ingiriis).
  2. Dooro barta Mas'uul, "halkan ka diiwaangeli ilmahaaga “Huoltaja, rekisteröi lapsesi tästä” ama “Guardian, register your child here” yacni [marka la turjumo].
  3. Dooro habka aqoonsiga, waa bangigaaga shabakadda ama hab kale oo u dhigma, sida xaqiijinta mobaylka. Raac tilmaamaha samaynta aqoonsiga xooggan.
  4. Ku buuxi foomka macluumaadkaaga iyo kan cunuggaaga. Waxaa foomka lagu codsanayaa magacyada waalidka iyo da'yarka, taariikhyada dhalashada, lambarada telefoonka, iimaylada iyo cinwaannada gurga.
  5. U sameey waalidka iyo cunugga erey-sireedyada la dooran karo ee nidaamka lagu galo. Indha-indhee warbixinta ilaalinta macluumaadka kaddibna dhag-sii afar geeska, si aad u caddayso in aad akhrisay oo aqbashay.
  6. Ka dooro liiska la kala dooranayo xarunta dhallinyarada ee koowaad, taas oo uu waxqabadkeeda da'yarku ka qaybqaadanayo iyo dugsiga uu da'yarku dhigto.
  7. Dir foomka. Waxaad iimaylkaaga ku heleysaa xaqiijinta diiwaangelinta.
  8. Telefoonkaaga ku soo dejiso ablikeeshinka Populon, gudaha u gal oggolowna ogeysiisyada ablikeeshinka. 

 

Waxqabadyada lacagta ah ee dhallinyarada loogu talagalay waxaad iyagoo meel lagu ururiyay ka heleysaa bogagga shabakadda ee nuorten.hel.fi(Link leads to external service) ama Instagramka magaca isticmaalihiisu yahay nuorten.helsinki.

You might be interested in