
U soo guurista dal cusub ayaa noqon karta mid adag, sababtoo ah waxyaabaha la baranayo ayaa aad u badan. Magaalada Helsinki waxay u fidinaysaa caawimaad dadkeeda cusub ee soo degay, kuwaas oo helay sharciga degganaanshaha dalka, kaarka sharciga degganaanshaha ama wax kayar saddex sano kahor diinwaageliyay xuquuqdooda degganaanshaha dalka.
Adeegyada la qabsashadu waxay idinka caawinayaan billowga hore ee magaaladiina cusub. Waxaad afkiinna hooyo ku baranaysaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan bulshada Finnishka. Waxaa la idinka caawinayaa barashada luqadda finnishka ama iswiidhishka. Waxaa intaas dheer oo aad ka qaybgeli kartaa waxqabadka ururada oo idinkoo qoyskiina la socda aad ku baran kartaan dad cusub.
Marka aad timaadaan, waxaad ugu horrayn ogaanaysaan khabiirkiina idin qaabilsan iyo adeegyada idinku habboon. Waxaad isla falanqaynaysaan waxbarashadiini hore, waayo-aragnimadiini shaqada, aqoontiina luqadeed iyo rajooyinkiina iyo hadafyadiina. Idinka oo ku salaynaya macluumaadkaas ayaad wadajir u qorshayn kartaan koorasyada ama caawimaadda kale ee aad u baahan tihiin.
Haddii ilmo ku haysaan guriga, waad ka qaybgeli kartaa adeegyada xittaa idinkooda carruurta wata. Waxaan qabanqaabin karnaa tusaale ahaan ilmo haynta wakhtiga aad ku jirtaan kooraska luqadda finnishka ama iswiidhishka.
Na weydiiya warar dheeraad ah oo adeegyadeenna ku saabsan
- Waxaad wacdaa lambarka 09 310 36130 (wuxuu furanyahay Isniin iyo Jimco, saacadda 09-11)
- Iimayl u dira tvu-kotoutujat@hel.fi(Link opens default mail program)
- Soo booqda goobta shaqada Itäkeskus ee Adeegyada Shaqo gelinta, cinwaanka Asiakkaankatu 3 A, dabaqa 4aad, 00930 Helsinki (waxay furantahay Khamiis, saacadda 09-15).
Ka qaybgal munaasabadda loogu talagalay qoysaska carruurta leh 4-ta Abriil
Mardhow miyaad u soo guurteen Finland, Helsinki miyaad deggantihiin carruur miyaadse guriga ku xannaanaysaan? Ma doonaysaan in aad la kulantaan waalidiin xaaladdiina oo kale ku jira? Kaalay oo imaada Xarunta dhaqanka ee Stoa Itäkeskus si aad u maqashaan adeegyada magaalada Helsinki ee loogu talagaly qoysaska carruurta leh.
Waxaad madasha ka heleysaan macluumaadyada kuy saabsan barbaarin-horaadka, fursadaha hiwaayadaha, naadiyada galabatii, maktabadaha iyo waxqabadka jardiinooyinka ciyaarta. Waxaa kale oo goobta jooga ururo soo bandhigaya waxqabadkooda.
Waxaa madasha lagu bixinayaa cunto fudud iyo barnaamijyo carruurta loogu talagalay.
- Goorta: Jimco, 4:ta Abriil, saacadda 9.30–12.00
- Goobta: Xarunta dhaqanka Stoa, Turunlinnantie 1, 00900 Helsingi
- Qabanqaabiyaha madasha: Adeegyada shaqo gelinta ee Helsinki
Ku soo dhowaada soo dhoweyn diirran!