Hoosadaha luqadaha badan waxay dadka ka caawiyaan shaqo raadinta

Adeegyada shaqo gelista ee Helsinki waxay shaqo raadiyayaasha u qabanqaabiyaan hoosado ku baxaya luqado badan oo kala duwan. Hoosaduhu waxay reer Helsinki u yihiin fursado wanagaasan oo ay caawimaad rasmi ah iyo talooyin ugu heli karaan habsami-socodka shaqo raadinta.
Koox shaqaale ah ayaa ku sheekeysanaya jaranjarada xafiiska.
Waxaad hoosadaha lacag la'aanta ah caawimaad iyo taageero uga heli kartaa shaqo raadinta. Photo: Matti Pyykkö

"Macaamiilku wuxuu hoosadda ka helayaa macluumaadka guud ee mowduuca laga hadlayo, ha aado CV:ga qofka ama shaqo raadin. Ka sokow hagitaan kooxeedka, waxaan bixinayaa hagitaan shakhsi ah iyo aragti-celinta CV:ga macaamiilka ama codsiga shaqada", waxaa sidaas shegtay xiriiriyaha hoosooyinka Tatjana Abrashina.

Hoosadaha oo dhan waa lacag la'aan, mana loo baahna in horay la isaga sii diiwaangeliyo. Hoosooyinka CV:ga waxaa wakhtigan hadda lagu qabanqaabiyaa ka sokow afka finnishka, af ingiriis, ruush iyo carabi. Hoosadaha shaqo raadinta waxaa lagu qabanqaabiyaa af finnish iyo carabi. 
 
Abrashina ayaa faa'iidada ka qaybgalka hoosooyinka carrabka ku adkaysay: "Ka qaybgalku waa mid fudud waxaana hoosadaha laga helayaa hagitaannada shaqo raadinta oo fasiix ah. Waxaan todobaad kasta hoosooyinka ku qabanqaabinaa goobaha shaqada ee adeegyada shaqo gelinta Helsinki ee ku yaal Kamppi iyo Itäkeskus." 

 
”Aragti-celinta hooysaduhu waxay ahayd mid fiican ka gaybgalayaashuna waxay hoosadaha ka heleen aqoonta wax ku ool ah oo shaqo raadinta ka caawinaysa," Abrashina ayaa intaas ku dartay. 

Jawiga taageerada leh iyo wadajirka ayaa dadka ka caawiya horumarka

"Ka qaybgalayaashu waxay hoosada ka heleen dareen guuleysasho iyo taageeridda shaqo raadinta. Waxay galaan wadahadal ku saabsan mowduuca waxayna ka hadlaan waayo-aragnimadooda nolosha shaqada iyo waxbarashada. Hoosadaha waxaa ku jira jawi wanaagsan oo wadajir ah, waxaana caawimaadda jaalka looga helaa shaqo raadinta Finland", Abrashina ayaa intaas ku dartay.

Ka qaybgalka hoosadu waa mid fudud, laakiin waxaa wanaagsan loo sii diyaargaroobo.

"Horay u sii qaado dukumentiyada la xiriira taariikhdaada shaqo, islamarkaana xaqiiji, in aad leedahay iimayl shaqaynaya."

Ogsoonow, in hoosaduhu ay qaadaan 10:ka qofood ee ka qaybgalayaasha ugu horreeya ah. Haddii aadan gelin, ha welwelin. Todobaad kasta ayaa hoosadaha la qabanqaabiyaa, sidaas darteed waxaad ka qaybgeli kartaa hosada xigta ee adiga kugu habboon.

"Macaamiishu waxay hoosadaha u arkeen wax faa'iido leh qaar badanna waxay rabaan in ay markale yimaadaan. Xiriiriyaha hoosada ayaa dhammaan munaasabadda tusaale ahaan macaamiilka ka diiwaangelin karaa waxbarasho gaaban ama wuxuu siin karaa macluumaadyo kale oo faa'iido u leh shaqo raadinta iyo waxbarashada."

Sidee loogu diyaargaroobaa hoosada shaqo raadinta?

  1. Hubi, in iimaylkaagu uu si fiican u shaqaynayo, hoosada ayaa isaga ugu baahantahay. Haddii aadan lahayn iimayl, soo qaado qalabka macluumaadka lagu keydiyo.
  2. Haddii aadan horay u lahayd CV, sii qaado iyadoo warqad ah ama dijitaal ah. Ku xisaabtan, in aanan gudaha hoosooyinkeena ku beddeli karin faylka pdf:ka ah.
  3. Waxaad soo qaadan kartaa shahaadooyinka shaqada iyo waxbarashada iyo codsiyadii shaqada ee aad horay u dirtay.
  4. Uma baahnid in aad kambuyuutarkaaga soo qaadato, laakiin haddii aad rabto waad soo qaadan kartaa.
  5. Wakhti hore imow goobta, waxaa wanaagsan in aad timaado 15 daqiiqo kahor billaabashada hoosada.

You might be interested in