Dhammaan dugsiyada Helsinki waxaa laga isticmaalaa barnaamij looga soo horjeedo dhibitaanka. Dugsiyadu waxay barnaamijka u dabaqaan hab ku habboon waxqabadkooda. Dugsiga hoose-dhexe ee Puistopolku ee Vuosaari wuxuu barnaamijka ka sameeyay hannaan waxqabad oo maalin kasta loo isticmaalo nololmaalmeedka caadiga ah ee dugsiga.
Marka dhinaca tirada dadweynaha laga eego, Vuosaari waa xaafadda ugu weyn magaalada Helsinki. Boqolkiiba sagaal dhallinyarada magaaladu waxay deggantahay soonahaas. Dugsiga Puistopolku waa dhigata 860 arday oo ay da'doodu u dhexeysa 6–16 sano.
– Hannaanka waxqabadka ee wadajirka ah wuxuu fududaynayaa awoodda ay dadkawaa weyn wax uga qaban karaa dhibitaanka. Ardaydu waxay macallinka firfircoon u arkaa, in "markasta wuxuu soo farageliyaa waxa aan samaynayo" ama "aniga ima jecla", sooshalladda dugsiga Nora Pehrsson ayaa sidaas tiri.
Dhibitaanku waa arrin ka duwan muranka
Habdhaqanka xun oo dhan ma ahan dhibitaan. Marka ardayga la dhibayo, wuxuu si joogto ah bartimaalmeed u noqonayaa fal nafsadeed ama jireed. Qofka wax dhibaya iyo kan la dhibayo waxaa u dhexeeya xiriir awoodeed uu kan xoogga badan liidayo kan aan isdifaaci karin. Taas beddelkeeda, murannadu waa kuwa dhammaanaya, markasta kuma wajahna isla hal cunug ama da'yar.
Dhibitaanka sanqar la'aanta ah waa qofka gadaashiisa oo laga hadlo, shucuur wejiyeed lagu muujiyo ama kooxda oo gooni looga sooco. Dhibitaanka hadalka ah waa ku jeesjeesid, magac xun ugu yeeris ama dhaajin. Dhibitaanka jireed waa kala tuuris, gacanqaad ama alaabo ka qaadista. Dhibitaanka internetku waa noocya badan, sida faafinta hadallo kutiri-kuteen ah, fallooyinka khabiidnimo ah, qaybinta macluumaad shakshiyeed ama qofka wax lagu dirqiyo.
Dhibitaanku waa dhacdo kooxeed. Sidaas darteed kuma filna, in la farageliyo xiriirka u dhexeeya qofka wax dhibaya iyo kan la dhibayo. Waa muhiim in saamayn lagu yeesho bulshada dugsiga oo dhan. Aqoonta dareen wadaagista iyo isdhexgalka ardaydu wuxuu door muhiim ah ku leeyahay kahortagga dhibitaanka. Farriintu waxay ardayda si fiican u gaaraysaa, marka ka sokow qof weyn uu arday ay isku fasal yihiin u sheego, in dhibitaanka aan la aqbalayn.
– Bulshada ay ardaydu u arkaan in ay qayb ka yihiin, waa ku yar dhibitaanka, cilmu-nafsiyaqaanka dugsiga Eetu Ahonen ayaa sidaas sheegay.
Waa muhiim in dugsiga loo sheego dhibitaanka
Waa in waalidku uu markasta la soo xiriiro macallinka ama horjoogaha fasalka cunugga, haddii uu ka shakiyo in cunugga la dhibayo. Waxaa macallimiinta farriin loogu soo diri karaa bogga shabakadda isgaarsiinta dugsiga ee Wilma ama dugsiga ayaa la soo wici karaa. Macluumaadyada xiriirka ee shaqaalaha waxaa laga helayaa bogagga shabakadda dugsiga.
Maamulaha dugsiga Puistopolku Pertti Tossavainen ayaa carrabka ku adkaynaya, in qasab tahay in dhacdo kasto oo dhibitaan ah laga salgaaro.
– Ma jiro dugsi aanu dhibitaan ka jirin. Waa muhiim in ardayda iyo waalidiintuba horay dugsiga ugu sheegaan, haddii ay ogaadeen in dhibitaan jiro, Tossavainen ayaa sidaas yiri.
Haddii uu dugsigu ka shakiyo dhibitaan, waxaa arrinta ka baaraandegaya macallimiinta ardayda qaybta ka ah dhibitaanka. Macallinka ayaa marka hore ardayda la hadlaya kaddibna macluumaadka ku qoraya foomka dhibitaanka. Macallimiintu waxay heystaan tilmaanbixinno ah, sida iyo wakhtiga ay la xiriirayaa waalidiinta ardayda.
Waxaa haddii loo baahdo qayb ka aha cilmu-nafsiyaqaanka dugsiga, kalkaalisada caafimaadka iyo sooshalka. Haddii laga shakiyo in dhibitaanka uu dembi ku jiro, booliska ayaa loogu yeerayaa in uu qayb ka noqdo hawsha.
Marka dugsiga looga baaraandego arrinta dhibitaanka ah labada dhinacna ay ka heshiiyaan, dugsiga iyo ardayda ayaa wadajir u go'aaminaya sida ay arrintu u sii soconayso. Waxaa intaas dheer in ay ka heshiiyaan la socoshada xaaladda, si aanu dhibitaanku markale u soo noqon.