Magaalada Helsinki waxaay siinaysaa dadka, ku jira kooxaha halista ah tallaalada koronaha iyo hargabka influenssaha

Helsinki waxaay siinaysaa tallaalada koronaha iyo hargabka influenssaha dhammaan dadka Helsinki, ku nool ee halis ugu jira inay si daran u xanuunsadaan. Tallaalada Koronuhu ma ahan qasab waana lacag la'aan. Ka akhri warka inaad xaq u leedahay tallaalada iyo adeegga aad ka qabsanayso ballanta tallaalka.
Sawir kalkaaliso dhoollo-caddeyneysa.
Tallaalada koronaha iyo hargabka influenssuhu si fiican ayaay dadka kooxaha halista ah, ku jira uga difaacayaan xanuunada daran. Photo: Virpi Velin

Helsinki tallaalada bixinteeda dadka waxaay ugu kala horreysiinaysaa halista uu qofku ugu jiro inuu si daran u xanuunsado. Marka ugu horreysa waxaan tallaalaynaa dadka da'doodu ka badantahay 80 sano jir iyo dadka awooddooda difaacu ay si wayn hoos ugu dhacday iyadoo xanuun ama daryeel uu ku keenay.

Haddii aanad ogayn inaad ka tirsantahay kooxda tallaalka iyo in kale waxaad caawimaad waydiisan kartaa taleefan lamabrka la talinta ah ee adeegyada caafimaadka +358 9 310 10023. Waxaa laguugu adeegayaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis.

Dadka tallaalka qaadanaya badankoodu waxaay tallaalka ku helayaan xaruntooda caafimaad. Haddii aad uur leedahay ama aad ka yartahay 15 sano jir oo awooddaada difaacu ay aad hoos ugu dhacday, waxaad tallaalkaaga ka heli kartaa xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka (neuvola).

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan tallaalada xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka, waxaad caawimaad ka codsan kartaa taleefan lambarka +358 9 3105 5530. Waxaa laguugu adeegayaa af finnish, iswidhish iyo ingiriis.

Miyaan xaq u leeyahay tallaalka koronaha?

Waxaad heli kartaa tallaalka koronaha oo lacag la'aan ah haddii aad ka mid tahay kooxaha hoos ku qoran:

  • Dadka da'da ah ee ku nool guryaha xanaaneynta iyo macaamiisha daryeelka guryaha la siiyo
  • Dhammaan dadka 65 sano jirsaday iyo dadka da'doodu ka badantahay.
  • Dadka da' kasta ah ee awooddooda difaacu ay si xoogan hoos ugu dhacday.
  • Dadka 18 sano jirsaday ee qaba xanuun ku kordhinaya halista koronaha daran.

Haddii da'daadu ay ka yartahay 65 sano oo si guud aad u caafimaad qabto, taas oo ay macnaheedu tahay inaanad qabin xanuunada kuu nugleynaya koronaha daran, uma baahnid sannadkan in laguu cusboonaysiiyo tallaalka.

Miyaan xaq u leeyahay tallaalka hargabka influenssaha?

Waxaad heli kartaa tallaalka hargabka influenssaha oo lacag la'aan ah haddii aad ka mid tahay kooxaha hoos ku qoran:

  • Dadka 65 sano buuxiyay.
  • Dumarka uurka leh.
  • Carruurta 7 sano da'doodu ka yartahay.
  • Dadka da' kasta ah ee awooddooda difaacu ay si xoogan hoos ugu dhacday.
  • Dadka gelaya dhibowga ciidanka iyo gurmadka ciidanka ee aan qasabka aheyn.
  • Shaqaalaha ka shaqeeya sooshalka iyo daryeelka caafimaadka iyo daryeelka daawada (iyagu waxaay tallaalka ka helayaan daryeelka caafimaadka).
  • Dadka marar badan si dhow ula dhaqma qof u nugul hargabka influenssaha ee daran, sida tusaale ahaan ehelka qofka ku jira kooxaha halista.

Haddii ay da'daadu ka yartahay 65 sano oo si guudna aad u caafimaad qabto, haddaad rabto daryeelka caafimaadka ayaad ka soo doonan kartaa tallaalka hargabka influenssaha oo aad adigu kharashkiisa iska bixinaysid.

Goormaan helayaa tallaalkayga koronaha ama hargabka influenssaha?

Tallaalada koronaha waxaa imika qaadanaya dadka da'doodu ka wayntahay 75 sano iyo dhammaan dadka awooddooda difaacu si wayn ay hoos ugu dhacday. Wakhti qabsashada dadka kale ee kooxaha halista ku jira waxaay ugu furmaysaa nidaamka elegtrooniga ah ee daryeelka caafimaadka ee Maisa 2.10. ballan qabsashada taleefankuna waxaay furmaysaa 10.10.
 
Tallaalada influenssuhu waxaay u bilaabmayaan dadka da'doodu ka wayntahay 80 jir iyo dadka awooddooda difaacu si wayn u daciiftay 4.-15. bisha Nofembar. Ballanta tallaalka isla imikaba waad qabsan kartaa.

Dadka da'doodu ay tahay 65-79 jir iyo dadka ka wayn ee kooxaha halista ku jira waxaay wada heli karaan tallaalka koronaha iyo hargabka influenssaha hal mar. Arrintaas waxaad ka waraysan kartaa marka aad ballanta qabsanayso.

Waxaad ku qabsan kartaa ballanta tallaalka adeegga elegtrooniga ah ee daryeelka caafimaadka Maisa ama taleefanka +358 9 310 46300, isniin-jimce saacadda 8–16. Maisa iyo taleefankaba waxaa lagu adeegaa af finnish, af iswidhish iyo af ingiriis. Taleefanku ma laha adeegga dib laguugu soo celinayo. Taleefanka qiimihiisu waa qiimaha caadiga ah.

Haddii aad uur leedahay ama carruur aad leedahay

Macaamiisha xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka oo ah dumarka uurka leh iyo ilmaha 6 bilood illaa 15 sano jira ee awooddooda difaacu ay si cad hoos ugu dhacday, waxaay tallaalka koronaha ka heli karaan meesha adeeggaas loogu diyaariyay oo ah waaxda Malmin raitti. Tallaaladu hadda ayaay socdaan. Waxaad ballanta tallaalka ka qabsan kartaa kalkaalisada caafimaadka ama adeegga taleefanka ee xarunta hooyooyinka iyo dhallaanka oo lambarkiisu yahay +358 9 3105 5530.

Dumarka uurka leh iyo carruurta 7 sano da'doodu ka yartahay waxaay tallaalka hargabka influenssaha ka heli karaan xaruntooda hooyooyinka iyo dhallaanka marka ay leeyihiin baadhitaanada caafimaadka. Waxaad sidoo kale ballan gaar ah u qabsan kartaa tallaalka hargabka influenssaha. Tallaalada waxaa la bixinayaa muddada u dhaxeysa 4.-15. nofembar. Ballanqabshashada tallaalku waxaay furmaysaa dhowr toddobaad kahor intaanan tallaalada la bilaabin.

You might be interested in