Adeegyada caafimaadka dhimirka ee Mieppi waa shaqaynayaa xittaa xagaaga

Miyaad ka welwelsantahay awooddaada? Ma waxaa jira wax qalbiga kaaga taagan mise waxaad u baahantahay in lagaa caawiyo xaaladdaada nololeed? Goobta adeegga caafimaadka dhimirka ee Mieppi waxaad xaaladaha adag ee noloshaada uga heleysaa caawimaadda la sheekeysiga oo lacag la'aan ah.
Istiikarka loogada adeegga caafimaadka dhimirka ee Mieppi oo lagu sharooteeyay daaqadda goobta adeegga.
Helsinki waxaa ku taal afar goobaha adeegga ee Mieppi, kuwaas oo ay dadka reer Helsinki ee 13 sano kaweyn ay caawimaad lacag la'aan ah uga raadsan karaan dhibaatooyinkooda caafimaadka dhimirka. Photo: Kaisa Sunimento

Goobta adeegga caafimaadka dhimirka ee Mieppi waa goob aad tegi karto ugana hadli karto arrimaha qalbiga kaaga taagan. Adeegga waxaa loogu talaggalay dhammaan dhallinyarada ka weyn 13 sano iyo dadka waaweyn ee reer Helsinki. Booqashooyinku waa lacag la'aan, uma baahnid in dhakhtarka kuu soo diro. 

Waxaad imaan kartaa inta lagu jiro wakhtiyada ay furan yihiin laan kasta. Waxaad sidoo kale ka qabsan kartaa ballan adigoo qaab elegtroonig ah ama wicitaan isticmaalaya. 

Waxaa jira sababo badan oo lagu yimaado Mieppi – haka laba-labayn in aad caawimaad raadsato islamarka aad u baahato. Ma bixinayo adeegyada dhakhtarka, daryeelka daawada ama baaritaanka cudurada, laakiin waan ku caawinaynaa. Waad hadli kartaa, waxaanna kugu hagaynaa caawimaadda aad u baahantahay. Waxaa ku caawin kara dhowr booqasho oo aad ku tagto. 

Xirfadlayaasheena ayaa haddii loo baahdo kaa caawinaya helitaanka barnaamijka isdaryeelista ee adiga kugu habboon, kaas oo aad uga fekeri karto dhibaatooyinka aad la kulanto kaddibna aad ku baranayso tababaro caafimaadkaada sare u qaadaya. Waxaan sidoo kale ku siin karnaa teraabiyo gaaban oo loogu talaggalay xasaradda nolosha.

Kaalay imow ama wakhti qabso

Magaalada Helsinki waxay bixisaa adeegyada caafimaadka dhimirka oo noocyo badan. Mieppi iyo rugtaada caafimaadku waa goobaha aad caawimaadda koowaad uga heli karto dhibaatadaada. Haddii aad u baahan tahay caawimaad intaas ka badan, waxaan kugu hagaynaa booska saxda ah.

Helsinki waxaa ku yaal afar goobaha adeegga ah ee Mieppi. Waxay ku yaalaan Pasila, Kalasatama, Myylypuro iyo Haaga. Waxaad dan-qabsi u tegi kartaa goobaha adeegga oo dhan, mana ku xirna meesha aad Helsinki ka deggan tahay.

Waxaan ku adeegnaa af finnish, iswiidhish, ingiriis iyo luqadaha kale oo aan turjubaan u isticmaalno.

Xagaaga oo dhan waan furannahay, laakiin waxaan ku shaqaynaynaa wakhtiga furnaanshaha ee la dhimay inta u dhexeysa 8.7-4.8.2024, markaas oo ay oo ay furan yihiin laamaha Pasila iyo Kalasatama oo kaliya.

Marka la qiimeynayo baahida daryeelka ee dadka waaweyn, waxaan isticmaalnaa su'aalo-weydiinta shabakadda ee Terapianavigaattor. Ka jawaabista su'aalo-weydiintu waxay dedejisaa helista daryeelka ama adeegga aad u baahantahay. Haddii ay suuraggal tahay, macluumaad ku buuxi kahor booqashadaada koowaad ama la soo xiriiristaada cinwaanka terapianavigaattori.fi(Link leads to external service). Waa suuraggal in su'aalo-weydiinta shabakadda looga jawaabo af finnish, iswiidhish ama ingiriis. 

Adeegga Mieppi waa kuu lacag la'aan, laakiin wakhtiga la qabsaday ee la baajin waxaa ka soo dallacanaynaa lacag ganaax ah. 

Haddii aad degdeg ugu baahantahay caawimaad, wac rugtaada caafimaadka haddii ay xirantahayna wac caawimaadda heeganka, tel. 116 117. Marka ay jirto xaalad degdeg ah, wac lambarka xaaladaha degdegga ah ee 112.

 
Macluumaadyada xiriirka

Pasila Mieppi

Cinwaanka: Ratapihantie 11, 00520 Helsinki. Wakhtiga telefoonka Isniin-Khamiis, saacadda 11–12, tel. 09 310 74627, wakhtiga booqashada ballan la'aanta ah Isniin, saacadda 12–15.

Kalasatama Mieppi 

Cinwaanka: Xarunta caafimaadka iyo nololwanaagga ee Kalasatama, Työpajankatu 14 A, 00580 Helsinki. Wakhtiga telefoonka Isniin-Khamiis, saacadda 10–11, tel. +358 9 310 32656, wakhtiga booqashada ballan la'aanta ah Khamiis, saacadda 12–15.

Myllypuro Mieppi (waa xirantahay 8.7–4.8.2024)

Cinwaanka: Jauhokuja 4, 00920 Helsinki. Wakhtiga telefoonka Isniin-Khamiis, saacadda 13–14, tel. +358 9 310 26830, wakhtiga booqashada ballan la'aanta ah Arbaco, saacadda 12–15.

Haaga Mieppi (waa xirantahay 8.7–4.8.2024)

Cinwaanka: Hopeatie 6, 00440 Helsinki. Wakhtiga telefoonka Isniin-Khamiis, saacadda 12–13, tel. +358 9 310 37727, wakhtiga booqashada ballan la'aanta ah Talaado saacadda 12–15.