Deegaannada cusub ee magaalada Helsinki waxaa ka jira waxqabadyada xagaaga oo noocyo badan

Malminkartano iyo Kannelmäki, Malmi, Mellunkylä iyo Meri-Rastila waa soonaha isbeddelaya sannadaha dhow. Waxaan si gaar ah xoogga u saaraynaa hagaajinta adeegyada iyo wanaagsanaanta deegaanka. Kaalay oo soo indha-indhay soonayaasha cusub ee magaalada kuna raaxayso munaasabadahooda xagaaga!
Saddex qof oo rucleynaya ayaa kor ugu ordaya jaranjarada jimicsiga ee Malminkartano.
Malminkartano waa mid kamid ah soonayaasha cusub ee magaalada ee shanta ah ee Helsinki Jaranjarooyinka jimicsiga ee Malminkartano waa meelaha socodka loo aado ee ay ciyaartoydu jeceshahay. Photo: Shoot Hayley

Soonayaasha cusub ee magaalada waxaa lagu arkayaa fursado mustaqbal oo badan. Waxaa soonayaasha loo qorsheeyay in lagu sameeyo dhismayaal dhammaystir ah, iskuxirka gaadiidka oo cusub iyo maalingelinnada goobo adeeg oo cusub, jardiinooyinka jimicisga iyo soonayaasha wakhtiga firaaqada.

Dhammaan soonayaasha cusub ee magaaladu waxay ku yaalaan dhinacyada gaadiidka dhabba-bireedka. Sidaas darteed ayaaa si fiican soonayaasha looga helayaa gadiidka dadweynaha, taas oo ah shuruudda muhiimka ah ee ku xiran horumarka soonayaasha.

Iskuxirka gaadiidka ee wanaagsan waa sii wanaagsanaanayaan mustaqbalka dhow. Maxadadda metrooga ee Mellunmäki waxay noqonaysaa maxadadda uu ku dhammaanayo jidka taraamka ee Vantaa Kannelmäki ayaa iyaduna noqonaysa maxadadda uu ku dhammaanayo jidka taraamka ee Galbeedka Helsinki. Waxaa sidoo kale Malmi loo qorshaynayaa iskuxirka dhabbaha taraamka degdeg ah ee cusub ee Viikki-Malmi.

Waxaan cusboonaysiinta magaalada samaynaynaa illaa iyo sannadka 2035 iyadoo lagala shaqaynayo dadka soonayaasha deggan.

Talooyinka xagaaga soonayaasha cusub ee magaalada

Waxaa suuraggal ah in soonayaasha cusub ee magaalada lagula kulmo xagaaga dad cusub waxqabadyo xiiso lehna laga helo. Waxaan soonayaasha ku samaynaynaa dalxiisyo gaagaaban, waxaa furnaanaya jardiinooyinka ciyaarta iyo xarumaha dhallinyarada. Waxaan sidoo kale qayb ka nahay  qabanqaabada munaasabado badan oo ka dhacaya jardiinooyinka, suuqda iyo barxadaha. Ka qaybqaadashada munaasabaduhu waa lacag la’aan.

Malmi

  • Masrxaha qoob ka ciyaarka ee lagu riyoodo waxaa dadka da'da ah loogu qabanqaabinayaa suuqa Ala-Malmi Arbaco 12.6. saacadda 12–16
  • Kafateeriga pop up ee dhallinyaradu wuxuu ka furan yahay suuqa Ala-Malmi 6.–16.6. iyo suuqa Ylä-Malmin 17–20.6.

Malminkartano

  • Jardiinada ciyaarta ee Kaunokissa iyo garoonka ciidda ee dugsiga hoose ee Pihkapuisto waxaa lagu qabanqaabinayaa xagaaga oo dhan ciyaaraha ardaaga iyo ciyaarta kubadda cagta.
  • Qoob ka ciyaarka magaalada waxaa lagu qabanqaabinayaa Puustellinaukio Talaado 4.6.2024, saacadda 17.30 iyo Talaado 6.8.2024, saacadda 18.15

Mellunkylä

  • Xarunta dhallinyaradu waxay Juun-Luulyo u wareegaysaa Kelkkapuistoo waxayna furantahay maalmaha shaqada saacadda u dhexeysa 13–19
  • Sawaxannada qoysaska waxaa Juun lagu qabanayaa daarta sekadda ee Kurkimäki

Kannelmäki

  • Jardiinada jimicsiga ee Kannelmäki waxaa ka jira Talaadada 4.6. ciyaaro carruurta loogu talaggalay iyo Isniinta 10.6. kubadda koleyga jidka ee gabdhaha
  • Qoob ka ciyaarka magaalada ayaa ka jira Sitratori Isniin 3.6.2024, saacadda 17.30 iyo Isniin 5.8.2024, saacadda 18.15

Meri-Rastila

  • Suuqa Meri-Rastila iyo kaniisadda yar waxaa inta xagaaga lagu jiro lagu qabanqaabinayaa hoosado muusik iyo qoob ka ciyaar isugu jira oo loogu talaggalay carruurta iyo dhallinyarada

Soo dhowow oo munaasabadaha xagaaga ka qaybqaado!