Halkan ka qaado toban talo oo ku saabsan Helsinkida xagaaga ah

Waa kuwee goobaha dabaasha Helsinki ee ugu fiican? Halkee carruurta lala aadaa? Dhacdooyinka noocee ah ayaa la qabanqaabinayaa? Hoos ka aqri, noocyada barnaamijyada xagaaga ee ay magaalada Helsinki u fidinaysaa da' walba.
Dadka magaaladu waxay ku raaxaystaan xagaaga iyagoo jooga daaradda maktabadda dhexe ee Oodi.
Waxaad daaradda Maktabadda dhexe ee Oodi ka ilwaadsan kartaa muuqaalka jardiinada Töölönlahti iuo bartamaha Helsinki. Photo: Jussi Hellsten

1. Berkadaha dabaasha

Reer Helsinki waxay jecel yihiin labo berkadaha dabaasha ah – adiguna jeclow! Berkadaha dabaasha ee Uimastadion iyo Kumpula waxay kuugu yeerayaan in aad ku qaadato maalmaha xagaaga ah ee nashaadka leh. Berkadaha dabaasha waad ku dabaalan kartaa, sawno ayaad ku geli kartaa, wakhtiga ayaad ku qaadan kartaa, isboorti ayaad ku samayn kartaa cunto fudud iyo qadana waxaad ka iibsan kartaa kafateeriyada. Berkadaha dabaasha waxaa ka jira nidaam lamid ah kan hoolalka dabaasha, tusaale ahaan qubaysashada iyo dharka dabaasha ku habboon, tilmaamaha(Link leads to external service) waxaad ka indha-indhayn kartaa halkan. 

2. Maktabadda dhexe ee Oodi

Muuqaallada dhuleed ee magaalada ugu fiican waxaa laga helaa maktabadda dhexe ee Oodi(Link leads to external service)! Ku soo dhowow maktabadda oo kafee ku cab, wax ku akhriso ama isku sawir Guriga baarlamaanka. Waxaad Oodi ku ciyaari kartaa shataranji ama waxaad ku isticmaali kartaa leysarka wax lagu jaro ama daabacaadda 3D. Carruurtu waxay soonahooda derbiga sheekaxariirada ku sawiri karaan iftiin cireedyada waxayna dhegeysan karaan codadka geedaha sixirka. Waxaa carruurta iyo dadka waaweyn loo helayaa buugaag iyo jaraa'idyo ku qoran ku dhowaad 20 luqadood. 

3. Masraxa Espa (Espan lava) 

Jardiinada Esplanadi ee ku taal bartamaha Helsinki waxaa xagaaga oo dhan lagu qabanqaabiyaa bandhig-faneedyada meel bannaan lagu qabo oo lacag la'aanta ah ee masrxaha Espa(Link leads to external service). Marka lagu jiro taxanaha Open Stage waxaa masraxa koraya muusikiistayaal iyo farshaxaniistayaal kala duwan, kuwaas oo iyagoo isticmaalaya codsiga furan codsaday in ay bandhig ku sameeyaan Espa. Waxaa sidoo kale masraxa Espa ka jira festifaalkiisa muusikada jaaska ah iyo muusik dhaqameedka finnishka. 

4. Bandhiga Mestat ja huudit ee Madxafka magaalada 

Ma doonaysaa in aad si fiican u barato goobaha kala duwan ee Helsinki? Madxafka magaalada Helsinki wuxuu inta xagaaga lagu jira ku soo bandhigayaa dhinacyada kala duwan ee lama filaanka ah bandhigga Mestat ja huudit(Link leads to external service). Madxafka magaaladu wuxuu ku yaal bartamaha Helsinki, koonaha Senaatintori. Madxafku wuxuu furanyahay maalin kasta lacag la'aan ayaana lagu galaa.

5. Helsinkida carruurta 

Madxafka magaalada Helsinki waxaa qayb ahaan joogto ah looga helaa Helsinkida carruurta(Link leads to external service), taas oo ah meel ku fiican in dalxiis gaaban lagula tago carruurta ku jirta da'da ciyaarta. Carruurtu waxay Helsinkida carruurta ku baranayaan qaab dheel iyo baaritaan ah taariikhda Helsinki. Waxaa markasta lacag la'aan lagu galaa Helsinkida carruurta.

6. Munaasabadda xagaaga ee Malmi

Ka qaybgal munaasabadaha lacag la'aanta ah ee munaasabadda xagaaga ee jardiinada Al-Malmi 6.–15.6. iyo 15.–24.8. Waxaa lagu soo bandhigayaa bandhig-faneedyo, sirkus, hoosooyin, jimicsi ciyaareedka jardiinada, huudhey iyo duurbaxyo. Tusaale ahaan, maalinta Helsinki ee 12.6. waxaa qof kasta lagu soo dhoweynayaa miiska casharada wadajirka ah ee cirka Malmi hoostiisa. Waxaad munaasabadaha oo dhan ka heleysaa bogagga shabakadda Malmitalo(Link leads to external service).

7. Beerta xoolaha la dhaqdo ee Falkulla

Haddii aad u hilowday jawiga baadiyaha, uma baahnid in aad Helsinki ka tagto. Beerta xoolaha la dhaqdo ee Fallkulla(Link leads to external service) ayaad tegi kartaa si aad ugu il-doogsato idaha, riyaha, lo'da, digaaga iyo fardaha. Beerta xoolaha la dhaqdo waxay ku taal Malmi lacag la'aan ayaana lagu geli karaa. 9–17 sano jiryadu waxay sidoo kale Fallkulla uga qaybqadan karaan hawlaha xerada lo'da iyo ardaaga iyo xannaanaynta xoolaha.

8. Qoob ka ciyaarka magaalada

Ma rabi lahayd in xirfadle ka barato qoob ka ciyaarka lamaanaha? Kaalay oo ka qaybqaado xiisadaha waxbarashada ee lacag la'aanta ah adigoo kaligaa ah ama qof kale uu kula socdo. Qoob ka ciyaarka magaalada waxaa xagaaga oo dhan lagu qabanqaabiyaa tusaale ahaan Itäkeskus, Vuosaari, Maunula, Malmil, Kannelmäki iyo Malminkartano. Uma baahnid in aad xiisadaha horay isaga sii diiwaangeliso. Wakhtiyada iyo goobaha waxaad ka heleysaa kalantarka munaasabadaha Helsinki(Link leads to external service) adigoo ku raadinayaa ereyga ah ”Kaupunkitanssit” (FI) ama ”Dancing in the City” (EN).

9. Goobaha jimicsiga ee bannaanka ku yaal 

Ma ogtahay, in Helsinki ay ka buuxaan goobaha jimicsiga bannaanka ku yaal oo lacag la'aan ah afar iyo labaatanka saacna furan? Goobaha jimicsiga ee bannaanka ku yaal waxay ku habboon yihiin dadka jimicsiga hadda billaabaya iyo kuwa waaya-aragnimada u leh, sababtoo ah waxaa caabiyada ama qalabka laga dhigi karaa si waafaqsan qofka awooddiisa. Fiiri, meesha ay ku taal goobta jimicsiga bannaanka ee kuugu dhow(Link leads to external service) caafimaadkaada ku daryeel hawada xagaaga ee fareeshka ah.

10. Goobaha bey'ada dabiiciga ah u dhow ee dhallinyarada loogu talaggalay 

Helsinki waxaa ku yaal goobo xagaayeed wanaagsan oo dhallinyarada loogu talaggalay. Beerta dugsiga dhirta ee Kumpula Jardiinna(Link leads to external service) La cuni karo(Link leads to external service) ee Mustikkamaa ayeey dhallinyaradu wax ku beertaan, kafateeri ku qabsadaan kuna xannaaneeyaan digaaga xagaaga. Qof kasta ayaan soo indha-indhayn kara beer-guriyeedyadan iyo kafateeriyada wakhtiyada ay furan yihiin.