Hoolasha dabbaasha ee magaalada Helsinki ayaa dhawaan furmaya, sidan ayaad si fudud uga daneysan kartaa hoolka dabbaasha

Hoolasha dabbaasha ee Helsinki waxaay fasaxii xagaaga kaddib dib u furmayaan inta u dhaxeysa bisha julaay iyo sebtembar. Warkan waxaan kuugu sheegaynaa arrimaha ugu muhiimsan ee wanaagsan inaad ogaato, markaad tagayso hoolka dabbaasha. Sidoo kale akhri wararka ku saabsan koorsooyinka dabbaasha ee dumarka iyo tookooyinka dabbaasha ee dumarka gaar u ah.
Hoolka dabbaasha ee Itäkeskus waxaa ku yaalla lix barkadood oo dabbaal ah, dalcadda laga soo boodo iyo dalcadda laga soo taraaraxo.
Hoolka dabbaasha ee Itäkeskus waxaa, ku dhex yaalla barkado dabbaal oo badan oo aad ku jimicsan karto, ku istereeci karto ama wakhti fiican ku qaadan karto. Photo: Maarit Hohteri

Dabaashu waa hiwaayad Finland loogu jecelyahay. Dadka Helsinki ku nool waxay in badan ku dabbaashaan bilaha kuleylaha ee xagaaga biyaha dabiiciga ah (sida wabiyada iyo haraha). Markay biyuhu qaboobaan dadku waxaay aadaan hoolasha dabbaasha.

Hoolasha dabbaashu waa goobo aad ku dabbaalan karto, ku jimicsan karto biyaha dhexdooda, aad ku istareexi karto barkadda diirran, aad ku ciyaari karto barkadda carruurta, aad sawnada ku gali karto oo ay ku qubeysan karto. In hoolasha dabbaasha la tago waxaay si baaxad leh u taageeraysaa nolol wanaaggaaga.

Helsinki waxaa ku yaalla 13 hoolasha dabbaasha ah, kan ku yaal Yrjönkatu, ee bartamaha Helsinki dayactir ayaa ku socoto illaa dhammaadka sannadka 2025. In hoolka dabbaasha la tago waa lacag. Muddada dabbaashu waa labo saac.

Sharciyada wadajirka ah dhammaanteen ayaay inoo adeegayaan

Waxaa daruuri ah in dhammaan dadka oo dhan ay wax ka yaqaanaan sharciyada hoolasha dabbaasha. Sharciyada ujeedadoodu waa in lagu hubiyo in qof kastaa oo tagaya hoolasha dabbaasha uu ku raaxeysto oo uu ammaan ku dareemo.

In qofku uu qubeysto iyo inuu isticmaalo dharka dabbaasha oo nooc gaar ah waa muhiim, si biyaha barkaduhu ay nadiif u ahaadaan.

Dharkaaga iyo kabaha aad bannaanka ku xidhato kaga tag kabadhka qolka labiska. Adiga oo aanan xidhnayn dharka dabbaasha marka hore qubeyso. Timahaaga si fiican u qooy ama isticmaal koofiyadda dabbaasha. Haddii aad leedahay timo dhaadheer, xidh inta aad dabbaalanayso. Hoolasha dabbaasha ma bannaana in xaadda jidhka layskaga xiiro, timaha lagu jarto ama lagu midabeeyo, lugaha ama ciddiyaha lagu daryeesho.

Way bannaantahay in dharka dabbaashu ay lahaadaan gacmo iyo lugo dheer. Dabagaabyada xeebta lagu isticmaalo ma bannaana in dhar dabbaaleed loo isticmaalo, laakiin dabagaabka dabbaasha loogu talo galay way bannaanyihiin. Dharka dabbaasha lagama hoos xidhan karo dharka laga hoos xidho dharka. Goonnooyinka iyo cambuuradu ma bannaana.

Dharkaaga dabbaasha ku reeb qolka qubeyska marka aad galayso sawnada. Badanaa dadka finnishka ah waxaay sawnada ku galaan qaawni. Haddii aad rabto waxaad sawnada gali kartaa adiga oo tuwaal guntan. Sawnadu waa goob lagu istreexi karo. Dadka badankoodu waxaay jecelyihiin inay sawnada iyaga oo aamusan fadhiyaan, adiguna fadlan ku sheekayso cod gaaban. Qofka sawnada ku jira ee edebta leh dadka kale ayuu oggolaansho ka codsadaa intaanu biyo ku shubin dhagaxaanta kulul ee sawnada.

Hoolka dabbaasha ee Itäkeskus waxaa ku yaalla qol labbis oo dadka oo dhan u furan. Qolka labista tusaale ahaan qoysaska carruurta leh, dadka ka cadeysan dhaqdhaqaaqa iyo didka ka tirsan dadka looga tiro badanyahay jinsigu waxaa u bannaan inay si deggan ugu labistaan uguna qubeystaan qolkooda u gaark aah. Qolalka labiska ee Unisex-ka ah ama rag iyo dumarba ay isticmaali karaan waxaa furahooda laga codsan karaa kaassada.

Ilmaha toddobo sano buuxiyay waxaay qolka labiska la galayaan jinsigooda.

Ka war hay ammaankaaga iyo ammaanka ilmahaaga

Dabbaashu waa hiwaayad wanaagsan oo qoyska dhan ay wadaagi karaan. Waxaa lagu talinayaa in ilmuhu ay wakhti ku qaataan biyaha oo ay bartaan dabbaasha. Waalidka ayaa ka mas'uul ah ilmihiisa aanan dabbaalan karin. Hal qof oo wayn oo isdabbari kara wuxuu ka warhayn karaa ugu badnaan saddex ilmo oo aanan dabbaalan karin.

Ilmaha 10 sano da'diisu ka yartahay ama aanan aqoonin dabbaasha wuxuu dabbaalan karaa oo kaliya haddii uu la socdo ugu yaraan qof 15 sano jira oo dabbaalan kara. Dadka aanan dabbaalan karin waxaay joogi karaan oo kaliya barkadaha dabbaasha ee gaaban. Barkadda wayn ama ta lagu boodi karo waxaa la gali karaa marka uu qofku dabbaalan karo ugu yaraan 25 mitir.

Marka aad dhex socoto goobaha qubeyska iyo dabbaasha, lugee si aanad u silbanin. Barkadda waxaa lagu boodi karaa oo kaliya marka la joogo koonaha barkadda. Mar walba ku dhaqan sharciyada kormeeraha dabbaasha.

Deyrta 2024 ka qayb qaado koorso dabbaaleed ama wakhtiyada tookooyinka dabbaasha ee dumarka

Beergayada deyrta ee hoolasha dabbaasha way kala dheer yihiin.Bisha julaay waxaa furmaya hoolasha dabbaasha ee Töölö, Malmi, Vuosaari, Kallio iyo Kontula. Agoosto waxaa furmaya hoolasha dabbaasha ee Itäkeskus, Pirkkola, Mäkelänrinne iyo Siltamäki. Hoolasha dabbaasha ee Jakomäki, Lauttasaari iyo hoolka dabbaasha ee Helsingin Suomalainen Yhteiskoulu waxaa la furayaa bisha sebtembar bilowgeeda. 

Tookooyinka dabbaasha ee dumarka u gaarka ah ee dadku jeclaysteen waxaay ka sii soconayaan hoolka dabbaasha ee Jakomäki laga bilaabo 3.9. salaasooyinka saacadda 14–20. Tookooyinka dumarka hoolasha dabbaasha waxaa ka shaqayn kara dumar kaliya. Tukaanka internetka wakhti hore kaga sii qabso tigidhkaaga tookada dumarka ee dabbaasha. Qiimaha tigidhka waxaa ku jira hagitaan dabbaal ah muddo cayiman ah. 

Ma rabi lahayd inaad dabbaal barato? Dugsiyada dabbaasha ee lacagta ah waxaa loo qabanqaabiyaa ilmaha iyo dadka waawayn. Dadka waawayn waxaa u bannaan kooxo isku dhex jir ah oo dumar iyo ragba ah. Waxaa intaas dheer oo macquul ah kooxaha dumarka oo kaliya ku socda oo hagaha joogtana ay dumar tahay. 

29.7. laga bilaabo ayaad tukaanka jimicsiga ee magaalada Helsinki (Helsingin kaupungin liikuntakauppa) ka indha indhayn kartaa koorsooyinka dabbaasha ee deyrta. Iska diwaangalinta koorsooyinku waxaay si kala dambayn leh u bilaabmaysaa 12.8. laga bilaabo.

Ilmaha dugsiga dhexe da'diisu ay tahay wuxuu lacag la'aan uga qayb qaadan karaa koorsada dabbaasha isaga oo u soo maraya Vimma-liikunta.

You might be interested in