Isgaarsiinta magaalada Helsinki marba marka ka dambeysa waxaa loo adeegsanayaa luqado badan

Magaaladu waxaay sannadka 2024 dhexdeeda sameyneysaa tijaabo isgaarsiinta ah oo af carabi, af soomaali, af yukrayniyaan iyo af estooniyaan ah maadaama baahiyo caalami ah ay magaalada Helsinki yeelanayso.
alt=""
Photo: Matti Pyykkö, N2 Albiino/Helsinki Partners

Helsinki si xawli ah ayaay ku caalamiyoobaysaa. Ku dhawaad qayb ka mid ah marka magaalada dadka deggan shan qaybood loo qaybiyo ayaay afkooda hooyo yihiin afaf kale oo aanan ahayn af finnish, af iswidhish ama af saame. Waxaan rabnaa inaan isgaarsiintayada sidii hore si ka fiican ugu gaarno bulshooyinka luqadaha kale ku hadla ee deggan magaalada si aan uga jawaabno baahidooda kordhaysa.

Wakhti xaadirkan magaalada Helsinki waxaay wax ku soo saartaa badanka af finnish, af iswidhish iyo af ingiriis. Sannadkii hore gudihiisa waxaan sidoo kale ku baarnay fursadda ah inaan isgaarsiina u adeegsanao luqadaha kale ee magaalada si badan loogaga hadlo. 

Waxaan qiimeynay gaar ahaan baahiyada iyo rajooyinka dadka magaalada ku nool ee ku hadla af carabiga, af soomaaliga, af yukrayniyaanka iyo af estooniyaanka. Luqadahaas ayaa ka tirsan kooxaha luqadaha ugu waawayn ee magaalada ku nool. Baadhitaanka macaamiisha waxaa isku gayn ka soo qayb galay in ka badan 800 oo qof oo matala kooxaha luqadaha.

Baadhitaankaas waxaa ku soo baxday rajada ah in magaalada Helsinki ay ku soo saarto sannadka 2024 warbixinadeeda luqadahaas shanta ah ee hore aan u soo sheegnay. 

Waxaan soo saaraynaa dhambaal wargeys oo aan kaga hadlayno arrimaha iyo munaasabada wakhtigaas ka jira magaalada, waxaan boggayaga internetka ku ururinaynaa macluumaadka muhiimka ah ee adeegyada magaalada, waxaan ku qaybinaynaa ololaha isgaarsiinta macluumaad khuseeya la talinta luqadaha badan waxaanan soo saareynaa macluumaad daabacaad ah oo lagu taageerayo isgaarsiinta internetka ah.

— Baadhitaankaas markaan ku salaynay waxaa noo soo baxday in luqadaha kala duwan bulshooyinka ku hadla aanay uga fadhiyin magaalada in luqaddooda ay isgaarsiinta ku sameyso, laakiin ay dareemi lahaayeen in magaalada ay qayb ka yihiin, haddii magaaladu ay luqaddooda ku gaarsiiso xogta. Mar walba waxaan baadi goobaynaa qaababka aan isgaarsiinta ugu qiimeyn karno bulshooyinka luqadaha kale ku hadlaya, ayaay sheegtay maamulaha mashruucu Niina Ahola.

Magaalada Helsinki waxaay ururinaysaa falcelinta macaamiisha ee khuseysa isgaarsiinta luqadaha badan, waxaanan falcelintaas ku saleyneynaa go'aamada isgaarsiinta.

Intaas waxaa dheer in bogga internetka ee waddanka oo dhan ka jira InfoFinland laga heli karo macluumaad ku qoran 12 luqadood oo khuseeya Finland iyo Helsinki.