Jardiinooyinka ciyaartu waxay carruurta siiyaan xagaaga qado lacag la'aan ah

Magaalada Helsinki waxay inta lagu jiro fasaxyada xagaaga ee dugsiyada ku siinaysaa jardiinooyinka ciyaarta ee furan dhammaan dadka kayar 16 sano qado diirran. Waxaa cuntada la bixinayaa inta u dhexeysa 3.6.–2.8.2024 maalmaha shaqada, saacadda 12.
Waalidka carruurta oo dheesha carruurta kala socda kursiga jardiinada ciyaarta.
Photo: Vesa Laitinen

Cuntada jardiinada ciyaartu waxay Helsinki ku leedahay caado soo jireen ah. Waxaa la billaabay bixinteeda in ka badan 80 sano kahor, markaas oo la doonayay in cunugga loo dammaanadqaado ugu yaraan hal cunto oo diirran maalintii. 

Adeeggu waa mid weli la jecelyahay waxaana jardiinooyinka ciyaarta lagu cunaa inta xagaaga lagu jiro in ka badan 200 000 oo saxan oo cunto ah.

Cuntada jardiinada ciyaarta waxaa loo qorsheeyay cuntooyinka maraqa iyo dheriga, kuwaas oo lagu diyaariyo wax soosaarka cuntada ee magaalada kaddibna waxaa loo daabulaa si loogu cuno jardiinooyinka.

Cuntada badankeeda waxaa laga sameeyaa qudaar, kalluun ama digaag. Cunto fegaani ama dhir ah ayaa qiyaastii halmar todobaadki la bixiyaa. 

Marka aad u imaanayso cuntada xagaaga ee lacag la'aanta ah, waxaad u baahantahay in aad soo qaadato saxan, malqacad iyo koob. Biyo la cabo ayaa laga helaa jardiinooyinka ciyaarta. 

Waxaad cuntada jardiinada lagu bixinayo ku dhammaystiran kartaa cunto iyo cabitaan aad soo qaadato, tusaale furuut, rooti ismaris ama caano

Cunto-cunista jardiinada waxaa lagu qabanqaabinayaa 3.6.–2.8.2024 jardiinooyinka ciyaarta ee soo socda: Piika, Vähätupa, Kannelmäki, Laurinniitty, Munkki, Isonneva, Taivallahti, Lahnalahti, Intia, Mäkitorppa, Viikkari, Kurranummi, Linja, Traktori, Maasälpä, Linnunrata, Tuorinniemi, Rudolf, Myllynsiipi, Mellunmäki, Lohikäärmepuisto, Mustakivi, Etupelto.

Waxaa sidoo kale cuntada jardiinada laga helayaa 3.–28.6. jardiinooyinka ciyaarta ee soo socda: Trumpetti, Nuoli, Ida, Torpparinmäki, Kotinummi, Kankarepuisto, Kiikku, Iso-Antti, Hilleri, Arabia, Brahe, Ulvila, Maunula. Jardiinada furan ee Loru ee furan ayaa kuwa kala ka gedisan mana lahan wax cunto ah.

Laga billaabo dhammaadka xagaaga, waxaa cunto-cunista jardiinooyinka lagu bixinayaa 1.7.–2.8. jardiinooyinka ciyaarta ee furan. Nurkka, Kipinäpuisto, Orava, Lehdokki.

Liiska cuntada waxaa lagu arki karaa jardiinooyinka ciyaarta iyo Bogagga shbakadda ee xarunta adeegga Helsinki(Link leads to external service). Waxaad macluumaad dheeraad ah ka heleysaa shaqaalaha jardiinada ciyaarta.

Waxaa cunto-cunista jardiinada dhinac socda oo ay jardiinooyinka ciyaarta ee Helsinki siinaysaa qoysaska carruurta leh iyo dugsileyda waxqabadyo dhinacyo badan oo wanaagsan, wakhtiyo waxqabad oo la hagayo iyo munaasabado kala duwan oo ka dhacaya bey'ad ammaan ah islamarkaasna lacag la'aan ah.

You might be interested in