Markaad ku dalxiisayso Helsinki ee aad dab la macaamilayso si mas'uuliyad leh ula falgal

Dadka reer Helsinki ah waxaay xagaaga ku istareexaan barxadaha iyo meelaha bannaanka ah ee wakhtiga lagu qaato iyagoo cuntada dubanaya. Gaar ahaan bilaha xagaaga ee u dhaxeeya bisha Maajo illaa Agoosto badanaa dhulku wuu qalalsanyahay. Si looga hortago in dab uu kaco oo uu dhulku gubto waxaa dabka lagu shidan karaa oo kaliya meelaha loogu talo galay ee loo dhisay in dab laga shito.
Goobta leh meesha uu qiiqu ka baxo ee cuntada lagu duban karo ee magaalada Helsinki.
Magaalada Helsinki waxay leedahay goobo u sharciyaysan in dab lagu shidan karo oo badan. La soco digniinaha gubadka dhulka markaad ka fikirayso inaad dab shidato. Photo: Mira Lainiola

In dab la shito waxaay ku xidhantahay in oggolaansho laga haysto hantiilaha dhulka. Xeebaha dabbaasha, agagaarka xeebaha, buuraha dhagaxaanta ah iyo dhulka kale ee dabiiciga ah mar walba waa ka mamnuuc in dab furan lagu shido. 

Dabka furan waa midka ku faafi kara dhulka isaga oo dab ka sii kacayo. Tusaale ahaan weelka halka mar loo isticmaalo in dab lagu sameeyo oo cuntada lagu dubo waxaay ka mid yihiin dabka furan, sidaas daraadeedna in lagu isticmaalo meelaha dhirta dabiiciga ah waa mamnuuc marka laga reebo goobaha rasmiga ah degmada ee sida sharciga ah loogu shidan karo dabka.

Dabka furan kama tirsana meelaha dabka laga awday ee aanu dabku ka fidi karin. Tusaale ahaan meelaha cuntada lagu dubto ee dabaysha ka awdan, dhismeyaasha dabka lagu shito ee saqafka iyo meesha qiiqu uu maro leh iyo goobaha dabka lagu shito ee jaajuurka laga sameeyay ama dhagaxa laga sameeyay ka mid ma aha dabka furan.

Dabka shidashadiisa iyo cuntada in lagu dubto waa ka mamnuuc dhammaan goobaha bii'ada lagu dhowro ee Helsinki. Helsinki goobaheeda bii'ada  laguee wakhti xaadirkan jiraa ma laha goobo degmadu u sharciyaysay in dabka la shito.

Sideen ku ogaadaa in dabka shidashadiisu ay bannaantahay?

Xarunta cilmiga cimilada ee Finland (Suomen ilmatieteen laitos)  ayaa bixisa digniin ku saabsan in dhulku guban karo marka dhulku uu qalalsanyahay. Wakhtigaas in dab furan la shito waxaa loo banneeyay oo keliya sida goobaha bannaanka degmada Helsinki ee wakhti lagu qaato dabkana lagu shito waliba leh meel uu qiiqu maro.

Helsinki barxadeheeda in lagu dubto cuntada waxaa loo haystaa oggolaanshaha hantiilaha dhulka oo ah magaalada Helsinki. Qalabka dabka lagu shito ee cuntada lagu dubto waxaa lagu isticmaali karaa dhulka adag ee aanan gubanaynin, laakiin laguma isticmaali karo meelaha dooga ah. In dabshid lagu samaysto barxadaha waa ka mamnuuc.

Agagaarka barxadaha waxaa muddadii dambe laga dhisay goobo badan oo cusub oo cuntada lagu duban karo. Muddada ay jirto digniinta gubashada dhulka in barxadaha wax lagu dubto waa mamnuuc.

Sideen dabka qaab mas'uul ah ula macaamili karaa?

  • Hubi marka hore inay jirto digniinta gubashada dhulku. Muddada ay jirto digniinta gubashada dhulku waxaa bannaan oo kaliya in magaalada Helsinki dab laga shito meelaha leh meel uu qiiqu ka baxo.
  • Fiiro gaar ah u yeelo xaaladda jirta. Dabka haka shidan meel aanan ahayn goobaha leh meel uu qiiqu ka baxo, marka ay jirto khatarta gubashada dhulka ee ku timidday dabaysha ama qalaylka xattaa haddii aanan la shaacinin digniinta gubashada dhulka.
  • Horay u soo qaado geedaha ama dhuxusha aad gubanayso. Dhulka haka soo jafin dhir aad gubi karto. Geedaha la guban karo waxaa laga heli karaa oo kaliya goobo qaar ah oo dabka laga shito oo magaalada Helsinki ku yaalla.
  • Markaad dab isticmaaleyso taxaddar dheeraad ah mar walba muuji, ka hortag in dabku uu fido, markaad bakhtiinaysana si taxadar leh u bakhtii. Qofka dabka shiday ayaa mar walba mas'uul ka ah dabkaas.
  • Qashin qubka loogu talo galay ku rid dhuxusha aad isticmaashay ama weelka dabka lagu shito ee aad isticmaashay marka ay qaboobaan. Dhuxul kulul ha ku ridin qashin qubka maadaama uu dab ka kici karo.