Munaasabado-dhaqameedku waxaay kordhiyaan farxad iyo kulamo muddada deyrta ah

Xarumo-dhaqameedyada ku yaalla Helsinki waxaa ka jira waxqabad lacag la'aan ah iyo kuwo kharashkoodu yaryahayba oo loogu talo galay dadka ku nool magaalada dhinacyadeeda kala duwan ee da'aha kala duwan jira. Warkan ka akhriso xarumaha dhaqanku waxaay yihiin iyo dhacdooyinka ay habboontahay inaad tagto muddada lagu jiro sannadka dhammaadkiisa.
Xarun-dhaqameedyada waxaa ka jira waxqabad badan oo fiican oo carruurta iyo qoysaska loogu talo galay.
Xarun-dhaqameedyada waxaa ka jira waxqabad badan oo fiican oo carruurta iyo qoysaska loogu talo galay. Photo: Jussi Hellsten

Helsinki waxaa ku yaalla siddeed xarun-dhaqameed: Annantalo, Caisa, Kanneltalo, Malmitalo, Maunula-talo, teaterka Savoy, Stoa iyo Vuotalo.

Xarumo-dhaqameedyada waxaa lagu qabanqaabiyaa ruwaayado, soo jeedinno, filimaan, munaasabado carruurta loogu talo galay, bandhigyo iyo hoosooyin shaqo. Annantalo waa xarun farshaxan oo carruurta iyo dhallinyarta loogu talo galay oo ku taalla santarka Helsinki, halkaas oo aad ku baran karto qaabka farshaxanka loo sameeya waxaanad kaga qaybqaadan kartaa munaasabado iyo bandhigyo.

Xarumaha dhaqamada waxaad ka heli kartaa barnaamijyo badan oo lacag la'aan ah oo aanan loo baahnayn in marka hore layska sii diwaangaliyo. Dhacdooyinka lacagta ah tigidhada lagu galo waa kuwo kharashkoodu yaryahay. Bandhigyadu luqado badan ayaa lagu jeediyaa qaarkoodna lama hadlo ama waa barnaamijyo si kale ugu xidhnayn aqoonta luqadda. Xarun-dhaqameed kastaa wuxuu leeyahay maqaaxi ama kafeele.

Qayb kamid ah xarumo-dhaqameedyada waa kuwo ay ku dhex yaallaan maktabad, xarun dhallinyaro iyo machadyada dad waynaha oo dadka waawayn u diyaariya koorsooyin kala duwan oo hiwaayado ama luqado ah.

Ka faa'idayso talooyinka munaasabadaha kala duwan ee socda deyrta 2024!

Maalinta munaasabadda festifaalka Kolibri ee ka jira Vuotalo

Qoyska oo dhan ayaan ku soo dhaweyneynaa Vuotalo oo Vuosaari ku yaalla sabtida 28.9. saacadda 11–18! Waxaa ka jira maalintaas ruwaayado, ciyaaro, muusig, bandhigyo, suugaan iyo hoosooyin shaqo. Festifaalka farshaxanka ee Kolibri waa munaasabad dhaqamo badan leh, luqado badan lagaga hadlo oo lacag la'aan ah kuna socda carruuraha iyo qoysaska.

Ka akhriso macluumaad dheeri ah: vuotalo.fi (af ingiriis)(Link leads to external service)

Kooxaha shaqo ee carruurta yaryar ee dhallanka ah

Maalmaha shaqada guriga ma la joogtaa ilmahaaga oo 1–3 sano jira? Kaalay kooxaha shaqada ee lacag la'aanta ah ee ka jira Kallio xarun-dhaqameedka Caisa ee ku yaalla, uma baahnid inaad kuwaas hore iskaga soo diwaangaliso. Kooxda waxqabadka ee "Taidetta taaperoille" waxaa lagu baranayaa farshaxanka sawirka ah (luqadahu waa af finnish iyo af ingiriis) iyo kooxda waxqabadka ee "Tanssi ja leikki" waxaa lagu baranayaa jaaska (luqadahu waa af finnish, af ingiriis, af ruush iyo as isbaanish).

Ka akhriso macluumaad dheeri ah: caisa.fi (af ingiriis)(Link leads to external service)

"Global Club Nights" oo ka jira Kanneltalo

Fiidadka klabka ah ee lacag la'aanta ah ee Kanneltalo waxaad fursad ugu helaysaa inaad wax ka barato dhaqamada kala duwan ee muusiga. Jimcaha 4.10. waxaa ka tumaya kooxaha muusiga ee Musase Quintet iyo Faso Kan. Jimcaha 15.11. waxaa ka tumaya Daniel Al Attrash iyo SINIMUSO. Waxaa munaasabadahaas muusiga ah lagu qabanqaabinayaa kafeelaha Kanneltalo goobta ku taalla ee Kannelmäki.

Ka akhriso macluumaad dheeri ah: kanneltalo.fi (af ingiriis)(Link leads to external service)

Toddobaadka feestada ee Stoa 40!

Xarun-dhaqameedka ku yaalla Itäkeskus ee Stoa ayaa sannadkan buuxinaya 40 sano. Toddobaadka feestada ah ee 24.10.–2.11. Stoa waxaa maalin kasta lagu qabanqaabinayaa munaasabado. Waxaa ka jira tusaale ahaan bandhigyo, farshaxan nalal ah iyo waxqabad carruurta loogu talo galay.

Ka akhriso macluumaad dheeri ah: stoa.fi (af ingiriis)(Link leads to external service)

Sinemada Malmi ku yaalla – Kino Helios 

Kino Helios oo ku yaalla Malmitalo waxaa laga soo daayaa filimaan loogu talo galay dadka waawayn iyo qoysaska carruurta lehba. Tigidhada filimaanta dadka waawayn qiimahoodu waa 7 yuuro, tigidhada qoyska oo dhanna waa 5 yuuro. Tigidhada waxaa la iibinayaan ugu dambeyn labo isbuuc kahor intaan filinka la soo deynin. Bil kastana waxaa Kino Helios lagu qabanqaabinayaa daawasho filimaan lacag la'aan ah. Waxaad filinka u soo qaadan kartaa macmacaan.

Ka akhriso macluumaad dheeri ah: malmitalo.fi (af ingiriis)(Link leads to external service)

Sabtiyada farshaxaneed ee Annantalo

Annantalo waxaa lagu qabanqaabinayaa illaa bartamaha bisha diisembar sabti kasta saacadda 11–14 munaasabad lacag la'aan ah oo qoyska oo dhan farshaxan ay ku sameyn karaan. Luqadda kooxaha shaqada lagu qabanayo waa af finnish, laakiin luqad kasta dadka ku hadla iyo darajo kasta dadka luqadda kaga hadla waa lagu soo dhaweynayaa. Uma baahnid in aad munaasabadaha horay isaga sii diiwaangeliso.

Ka akhriso macluumaad dheeri ah: annantalo.fi (af ingiriis)(Link leads to external service)

You might be interested in