Seniori-info waxay dadka ka caawisaa arrimaha dadka da'da ah

Wac ama imow oo soo booqo barta Seniori-info ee magaalada Helsinki, haddii aad qabto su'aalo ku saabsan adeegyada dadka da'da ah ee Helsinki. Seniori-info waxaa laga isticmaalaa adeegga tarjumaadda, sidaas darteed waxaad caawimaad ku heleysaa afkaada hooyo.
haqaalaha Seniori-info oo si farxad leh u dhoolacaddaynaya.
Shaqaalaha Seniori-info ayaa kaa caawinaya su'aalaha la xiriira duqoobidda. Photo: Kaisa Sunimento

Seniori-info waa adeeg talabixin ah oo loogu talagalay dadka reer Helsinki ee ka weyn 65 sano iyo ehelkooda. Seniori-info waxay kaa caawinaysaa dhammaan su'aalaha la xiriira adeegyada dadka da'da ah.

Waan naqaan in aan kuu sheegto adeegyada dadka waayeelka ah ee magaalada Helsinki. Waxaad sidoo kale naga heleysaa macluumaadka adeegyada ay ururada iyo shirkaduhu siiyaan dadka da'da ah. Waxaad wax naga weydiin kartaa tusaale ahaan fursadaha hiwaayadaha, caawimaadda deganaanshaha guriga, adeegyada gaadiidka, caawimaadda xigto-daryeelista iyo adeegyada caawiya caafimaadka dhimirka.

Waxaan si kalsooni leh kaala sheekeysanaynaa dhammaan su'aalaha maskaxda kaa mashquulinaya. Waxaan si wadajir ah u raadin karnaa adeegyada adiga kugu habboon ee taageeraya awooddaada waxqabadka, nololwanaaggaada iyo habsami-socodka nololmaalmeedkaada. Waad nala soo xiriiri kartaa xittaa haddii aad tahay ehelka ama qofka u dhow qof da' ah.

Adeeggu waa lacag la'aan. Waxaan macaamiisha ugu adeegnaa luqadaha finnishka iyo iswiidhishka. Waxaan isticmaalaa adeegga tarjumaadda, sidaas darteed, waxaad nagula soo xiriiri kartaa afkaada hooyo. Waxaad qabsan kartaa ballan ama ballan la'aan ayaad imaan kartaa.

Haddii aad adeegyada dadka da'da ah ee Helsinki ku leedahay shaqaale ku qaabilsan, la xiriiri ugu horreyn shaqaalahaas.

Macluumaadyada xiriirka ee Seniori-info

Kaalay oo soo booqo Seniori-info ee ku yaal Helsinki, Hakaniemi, cinwaanka Siltasaarenkatu 2, 00530 Helsinki, ama wac nambarka +358 9 310 44556. Seniori-info wuxuu shaqeeyaa Isniin-Jimco, saacadda 9–15.

Waxaad sidoo kale kula xiriiri kartaa imaylka: seniori.info@hel.fi(Link opens default mail program). Haku soo qorin iimaylka macluumaadkaada caafimaadka ama macluumaadyadaada kale ee xasaasiga ah.

Adeegga Chat ah ayaa ku shaqeeya bogagga shabakadda Seniori-info:

  • Isniin-Arbaco, saacadda 9–15
  • Khamiis, saacadda 9–10 iyo 11.30–15
  • Jimco, saacadda 9–15

  Talabixiyaha Seniori-info ayaa sidoo kale lagula kulmi karaa:

  • Xarunta caafimaadka iyo nolowanaagga ee Vuosaari, Talaado kasta, saacadda 8–11
  • Xarunta caafimaadka iyo nolowanaagga ee Kalasatama, Arbaca kasta, saacadda 8–11

You might be interested in