Maxay tahay inaad sameyso haddii marka waxbarashada ama ciidanku kuu dhamaadaan aanad lahayn qorshe?

Guga iyo xagaaga inta lagu jiro dhallinyar badan ayaa galaya marxalad cusub oo nololeed. Qayb ka mid ah dugsiga ayaay ka qalinjabinayaan qaybta kalena waxaa u dhammaanaya ciidanka ama u adeegga bulshada. Haddii aanad adigu wali haysanin wax qorshe ah oo mustaqbalka ah, waxaad isku diwaan galin kartaa shaqo codsade ahaan.
Saddex dhallinyar ah ayaa ku lugaynaya beerta dugsigu markuu u dhamaadey.
Marka ay dugsiyada, ciidanka ama u adeegista bulshadu u dhamaato dhallinyar badan waxaay galaan marxalad cusub oo nololeed. Adeegyada shaqaalaysiinta ee Helsinki waxaay kaa taageerayaan inaad hesho jiho shaqo. Photo: Jussi Hellsten

Helsinki waxaa ku nool qiyaastii 56 000 oo dhallinyarada da'doodu u dhaxeyso 18-25 sano. Iyaga in badan oo ka mid ah waxaay markii ugu horraysay soo galayaan seyladda shaqada kaddib markay ka soo baxeen ciidanka ama u adeegista bulshada. Isbaddalkaas nololeed wuxuu sidoo kale ka muuqdaa adeegyada shaqo galista ee magaalada Helsinki, sababta oo ah dhallinyarta ugu badan waxaay iska soo diwaangaliyaan dhammaadka guga iyo xagaaga inta lagu jiro. 

"In badan oo ka mid ah dhallintaas xaaladahoodu way isku toosanyihiin. Waxaay haystaan shaqo ama waxaay sii ogyihiin boos waxbarasho ama waxaay fursad u haystaan inay xagaaga fasax galaan. Isla markaas qayb ka mid ah dhallintaas wax qorshe ah oo mustaqbalka ah ma haystaan. Waxaan dhallintaas ku dhiirigalinaynaa inay anaga nala soo xidhiidhaan", sidaas waxaa sheegay maamulaha adeegga ee adeegyada shaqaalaysiinta ee magaalada Helsinki Jani Huovinen.

Codsashada shaqadu waxaay kula noqon kartaa arrin dhib badan, laakiin nasiib wanaag taageero badan ayaa loo heli karaa. Waxaad adeegyada shaqaalaysiinta ee magaalada Helsinki caawimaad uga helaysaa si fudud. 

"Codsashada shaqada kali inaad ku noqoto ma aha, sababta oo ah waxaan haynaa adeegyo badan oo shaqo galista lagu horumariyo," ayuu Huovinen sheegayaa.

In shaqo codsade ahaan laysku soo diwaangaliyo waa talaabada ugu horreysa

Tallaabada ugu horreysa ee codsashada shaqadu waa in shaqo codsade ahaan uu qofku isku diwaangaliyo, taas oo sida ugu fudud looga dhex sameyn kalo nidaamka elegtrooniga ah ee Oma asiointi. Nidaamkaas elegtrooniga ah waxaa lagu isticmaali karaa af finnish iyo af iswidhis.

Isdiiwaangalinta kaddib khabiir ka shaqeeya adeegyada shaqaalaysiinta ayaa adiga kula soo xidhiidhaya. Shaqaalahaas ayaa ka gungaaraya nooca ay tahay caawimaadda laga yaabo in aad u baahantahay wuxuuna kugu hagayaa adeegyada shaqaalaysiinta ee adiga kugu habboon. Khabiirkaaga waxaad sidoo kale kala heshiin kartaa waxqabadyada adiga lagaaga baahanyahay ee shaqo galistaada lagu horumarin karo. 

"Waxaa wanaagsan inuu qofku si firfircooni leh iskugu taxalujiyo shaqada codsashadeeda. Waxaa tusaale ahaan bannaan inuu qofku macaamiil ka sii noqdo xafiiskayaga intaanu qalin jabinba", ayuu Huovinen sheegay. 

Marka uu qofku shaqo dalbade ahaan isku diwaangaliyo, waxaa u bannaan inuu taakuleymo kala duwan xaq u yeesho. Haddii codsi shaqo aanu qofku xareysan ma heli karo taakuleynta shaqo la'aanta. Sidoo kale Kela-da ayaa kaaga baahan inaad shaqo codsade ahaan isku diwaangaliso si aad uga hesho taakuleynta nolosha. Waxaa wanaagsan in arrintaas aad horeba ka dhameysato, sababta oo ah taakuleymada badankooda muddada ku dhaaftay dib lagaama siinayo. 

Markaad shaqo codsade tahay waa inaad sidoo kale ka warhaysaa in codsigaaga shaqadu uu yahay mid kuu shaqaynaya muddada aad shaqo la'aanta tahay oo dhan. Markaas shaqo codsanayso waa inaad xasuusataa, aad taqaanaa inaad arrimo badan meel saarato oo ay kuu hagaagsanaadaan. Nasiib wanaag, kumase khasbanid inaad wax walba iskaa u qabsato.

"Waxaan kugula talinayaa inaad la soo xidhiidho khabiirkaaga gaarka ah ee adeegyasa shaqaalaysiinta ama Ohjaamo, halkaas oo lagu hubin karo in wax kasta oo loo baahanyahay ay kuu qabsoonyihiin," ayuu Huovinen sheegay.

Ohjaamo wuxuu dhallinyarta ku hagayaa jihadooda

Adeegyada Ohjaamo Helsinki(Link leads to external service) waxaa loogu talo galay dadka jira 15–29 jir waxaana sidoo kale lagaga taageeri karaa shaqo codsashada. Waxaad adeeggaas ka helaysaa la talin ku saabsan helidda boos waxbarasho ama boos shaqo, in aad hesho caawimaad aad ku xaqiijisan karto xirfadda aad dooranayso iyo la talin ku saabsan arrimaha dhaqaalaha.

Ohjaamo waxaad sidoo kale ka heli kartaa taageero dhanka codsashada shaqada ah iyo qoritaanka waraaqaha aad shaqo codsashada ugu baahantahay sida waraaqaha lagu qoro xogta taariikhdaada nololeed ee dhanka tacliinta iyo khibradda shaqada (CV) iyo codsiga shaqada. Ohjaamo wuxuu kuugu adeegayaa af finnish, af iswidhis iyo af ingiriis, sidoo kalena adeegga turjumaadda degdegga ah waxaa laga heli karaa luqado fara badan oo kale. Xafiiska toos ayaad u tagi kartaa xataa adiga oo aanan ballan qabsanin.

"Ohjaamo waxaad ka adeegan kartaa adiga oo aanan lagu aqoonsan ama magacaaga sheegin. Wadahadalada aad halkaas ku yeelato dhammaantood waa kuwo aammin ah oo aanan cid kale loo warinaynin. Dhallinyarta waxaa haysta culeysyo badan oo la xidhiidha shaqo helidda, doorashada jihada shaqo iyo jihada waxbarasho. Waxaan ku dhiiri galinayaa dhammaan dhallinyara oo dhan inay Ohjaamo ka adeegtaad, sababta oo ah in qof bannaanka arrimahaaga ka ah aad la sheekaysato waxaay kuu fududeynaysaa in habfikirkaagu uu faseex kuu noqdo", ayuu Huovienen sheegayaa. 

Ohjaamo waxaa dheer adeeg kale oo la talinta gaar ahaan dhallinyarta ku fiican oo ah janalka Jodel ee adeegyada shaqaalaysiinta(Link leads to external service). Halkaas waxaa jooga khubarro ka jawaabaya su'aalaha khuseeya taakuleymaha shaqo la'aanta iyo codsashada waxbarashada. Waxaa janalkaas lagu sheekaystaa af finnish.

Waxaad janalkaas ku qori kartaa su'aal adiga kuu gaar ah ama waxaad ka akhrisan kartaa su'aalaha iyo jawaabaha hore loogu qoray. Waxaad markaas arki doontaa in su'aal xun ama doqonimo leh aanay jirin. Dad badan ayaa isku arrimo is waydiinaya. Adeeggaas waxaa isticmaalkiisa la bilaabay bilowgii sannadka 2024. Janalka dadka ku xidhan ee su'aalo ku waydiinayana marba marka ka sii dambeysa way sii kordhayaan.

Liis kooban oo lagu qoray waxyaabaha ay tahay inaad xasuusato marka aad shaqo codsanayso

  • Adeegga elegtrooniga ah ee Oma asiointi iskaga diwaan gali inaad shaqo codsade tahay.
  • Si firfircooni leh u codso shaqooyin.
  • Codso taakuleynta shaqo la'aanta oo aad ka heli karto ama Kela-da ama qasnadda shaqao la'aanta.
  • Ilaali in codsigaaga shaqadu aanu kaa dhicin oo samee waxqabadyada lagugula heshiiyay ee qorshaha shaqaaleysiinta.
  • Si degdeg ah ogaysiis uga soo samee isbaddalada ku yimaadda xaaladdaada nololeed ama macluumaadkaaga xidhiidhka.
  • Marka codsashada shaqada aanad u baahnayn, ka dhex jooji codsigaaga shaqada nidaamka Oma asiointi.